Wararka daahsoon

Wararka daahsoon Well come wararka dahsoon official page

:JAWAAB KU SAABSAN EEDAHA LA SOO JEEDIYEYWaxaan si cad u sheegaynaa in eedaha lagu sheegay qoraalka uu soo saaray mushar...
04/06/2026

:
JAWAAB KU SAABSAN EEDAHA LA SOO JEEDIYEY
Waxaan si cad u sheegaynaa in eedaha lagu sheegay qoraalka uu soo saaray musharraxa madax-bannaan ee Cabdifataax Cabaas ay yihiin eedo u baahan caddeymo iyo baaritaan rasmi ah. Ilaa iyo hadda ma jiraan caddaymo rasmi ah oo la soo bandhigay oo xaqiijinaya dhammaan sheegashooyinkaasi.
Doorashada ka dhacday Degmada Doolo Ado waxaa maamulayey hay'adaha sharci ahaan u xilsaaran arrimaha doorashooyinka, waxaana habboon in cabasho kasta loo maro hannaanada sharciyeed ee loo dejiyey xallinta khilaafaadka doorashada.
Sidaa darteed, ku dhawaaqista in doorashadu gebi ahaanba waxba k**a jiraan tahay ama natiijadeeda aan la aqbalayn iyadoo aan la helin go'aan rasmi ah oo ka soo baxay hay'adaha awoodda u leh arrintaas, waa aragti musharraxa u gaar ah mana matasho xaqiiqo la xaqiijiyey.
Waxaan ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyadu ixtiraamaan sharciga, nabadda, iyo go'aamada hay'adaha madaxbannaan ee qaabilsan doorashooyinka, isla markaana wixii cabasho ah lagu xalliyo waddo sharci ah.
Ixtiraamka sharciga iyo xaqiiqooyinka la xaqiijiyey ayaa ah saldhigga dimuqraadiyadda.

Bismilaah
*Go,aankeyga Ku,aadan Doorosha kusheegii shalay Kadhacday Degmada Dolo-Ado ee Gobolka Liibaan.*
Anigoo ah, Cabdifataax Cabaas ahaana musharaxa madaxa-bannaan ee u taagnaa Deegaan-doorashada Dolo Ado, waxaan halkan ku ogeysiinayaa bulshada iyo hay'adaha ay khuseyso arrimaha doorashooyinka gaar ahaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NEBE), Guddiga Xuquuqal Insaanka Itoobiya (EHRC), iyo dhammaan xafiisyada loo xilsaaray xallinta khilaafaadka doorashada, inaan gabi ahaanba qaaddacay oo aanan aqbali doonin natiija kasta oo kasoobaxda doorashadii shalay. Hannaanka oo dhan ayaa si cad loo afduubay ka dib markii lagu kacay is-daba-marin baahsan iyo xadgudub weyn oo lagu sameeyay mabaadi'da dimuqraadiyadda, taasi oo ka dhigtay doorashadaas mid gebi ahaanba wadadii kaluntay ama waxba k**a jiraan ah.
Waxaa goobaha doorashada ka dhacay khaladaad masiibooyin ah oo aad u waaweyn iyo xadgudubyo dastuuri ah oo ay ka mid yihiin:

1. Caburinta iyo Eryidda Codbixiyayaasha: Codbixiyayaasha waxaa lagu sameeyey cagajugleyn toos ah iyadoo lagu amrayay inayna ii codeynin. Cidkasta ee diiday amarradaas sharci darrada ahna, waxaa si qasab ah looga saaray goobihii codbixinta.

2. U-diididda Taageerayaasha inay Galaan Goobta: Mas'uuliyiinta doorashada iyo qaar ka mid ah ciidamada waxay si gaar ah u handadeen shaqsiyaadka looga shakisan yahay inay aniga i taageersan yihiin, iyadoo gabi ahaanba loo diiday inay gudaha u galaan goobta codbixinta.

3. Meel-ka-dhaca Codka Qarsoon: Codbixiyayaasha waxaa loo diiday xuquuqdooda sharciga ah ee ah inay codkooda si qarsoodi ah u dhiibtaan. Qof kasta oo isku dayay inuu qariyo codkiisa, waxaa isla markiiba si qasab ah looga sarayey xarunta doorashada.

4. Sanduuqyadii oo lagu soo taataabtay isla markaana lagu soo buuxiyey Qolal Xidhan oo kabaxsan goobta doorashada: Sanduuqyada codeynta waxaa la geeyay qolal albaabadu u xiran yihiin, waxaana gacanta ku buuxiyay shaqsiyaad gaar ah oo horay loo sii xushay, iyadoo aysan jirin wax hufnaan ah, indho caalami ah, ama korjoogto madax-bannaan, wakiilo musharax madax banaa, waxaana gebi ahaanba lagu tuntay shuruucdii..

5. Wakhtigii codbixinta oo mudo yar lagusoo afjaray: Maadaama sanduuqyada lagu soo buuxiyey qolal xiran, hawshii codeynta ee inta badan goobaha waxaa si khayaano ah loogu soo afjaray muddo ka yar rubuc-maalin.

6. Eryidda Wakiilladii Musharaxa: Wakiilladaydii rasmiga ahaa iyo korjoogtooyinkii waxaa si qasab ah looga saaray goobihii loogu talagalay inay ilaaliyaan codka, iyadoo aqoonsiyadii (accriditation badges) loo oggolaadayna laga qaaday ama loo diiday inay isticmaalaan si looga qariyo is-daba-marinta dhacaysay.

7. Curyaaminta Dabagalka iyo Gaadiidka: Gaadiidkii u kireysnaa ololahayga doorashada ayaa si sharciga ka baxsan loo xanibay si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqeena.

Marka la eego xadgudubyadaas baaxadda leh ee dhacay, waxaa si cad loo dhihi karaa wax doorasho ah oo sharci ah k**a aysan dhicin Dolo Ado. Hawshii shalay dhacday waxay ahayd riwaayad la soo agaasimay oo ay haraysay khayaano, taasi oo meesha ka saartay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee muwaadiniintu u lahaayeen inay doortaan cidda matalaysa.
Sidaa darteed,

waxaan si rasmi ah u sheegayaa inaanan aqbalaynin natiijada ka soo baxda hannaankan khayaanada ah. Waxaan si rasmi ah u bilaabayaa in aan u kashifo is-daba-marintii dhacday iyo in gabi ahaanba la laalo hawshii shalay la qabtay.
_*Ilaahbaa mahadleh leh.*_
*Cabdifataax Cabaas*
Musharax Madax-bannaan
Deegaan-doorashada Dolo Ado, Gobolka Liibaan, Itoobiya
National Election Board of Ethiopia NEBE የኢትዮጵያ ብሔራዊ ምርጫ ቦርድ

ciid wanaagsan kullu caam wa acntum bil keyr
21/03/2026

ciid wanaagsan kullu caam wa acntum bil keyr

13/02/2026

walaalyaal aan caawino

13/02/2026

walaal yaal aan caawino dadka abaarta ay sameysay

War Naxdin LehWaxaa la soo warinayaa in afar qof oo Soomaali ah lagu dilay magaalada Hawassa, oo ka tirsan Ismaamulka Si...
05/02/2026

War Naxdin Leh

Waxaa la soo warinayaa in afar qof oo Soomaali ah lagu dilay magaalada Hawassa, oo ka tirsan Ismaamulka Sidama ee dalka Itoobiya. Afarta marxuum ayaa ka soo jeeday Ismaamulka Mandheera ee Kenya (2 qof) iyo Gobolka Gedo ee Soomaaliya (2 qof).

Dilkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Hawassa, kuwaas oo dhawaan laga masaafuriyey deegaanno ka tirsan Ismaamulka Mandheera. Dadka falka geystay ayaa ku doodaya in Soomaalida ay kasoo masaafuriyeen deegaannadoodii Mandheera iyo nawaaxigeeda, sidaas darteedna ay iyaguna ku khasban yihiin in ay Soomaalida ka celiyaan deegaankooda. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay bilaabeen beegsiga Soomaalida ku sugan Hawassa.

Hadda waxaa jira Soomaali badan oo ka soo jeeda deeganada Mandheera , gobolka waqooyi bari Kenya iyo Gedo Soomalida oo ku xayiran magaalada Hawassa, kuwaas oo aan haysan marin ammaan ah oo ay kaga baxaan deegaankaasi.

Magaalada Hawassa iyo deegaanno kale oo Itoobiya ah waxaa h**e caafimaad u aadi jiray Soomaali badan, maadaama laga heli jiray adeegyo caafimaad oo jaban oo la awoodi karo. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amni ee haatan jirta waa mid aad u khatar ah.

Dhammaan dadka qorsheynaya in ay u safraan Hawassa ama deegaannada ku dhow, waxaa si adag loogu wargelinayaa in xaaladdu khatar tahay.

Address

Https://youtube. Com/channel/UC3wLsjGqx66mVNqu5S1rKMA
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wararka daahsoon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wararka daahsoon:

Shortcuts

Share