14/12/2025
Flight Data Recorder ama (Sanduuqa madow)
Sanduuqa madow ee diyaaradda xogteeda laga tixraaco markey burburto waa qalab leh khusuusiyad layaab leh. waa qalab xamili kara Saameyn Xooggan ee ay dhicidda diyaradu sababtay 3,400 G (xoogga cufisjiidka).
Wuxu u adkeysan karaa heerkul gaaraya 1,100 digrii Celsius (2,000 digrii Fahrenheit) muddo cayiman 30 daqiiqo oo xiriir ah.
lacala hadii ay diyaadu badda kudhacdo wuxu qabili kara cadaadis qoto dheer oo gaaraya 20,000 oo ft gunta biyaha, iyo sidoo kale iska caabin daxalka biyaha cusbada leh, sido kale wuxu iska caabin kara in shay fiiqan uu dhex galo sanduuqa gudihisa.
qalabkaan waxa laga sameyay madooyin ay ka kid yihin Titanium oo sababta kowaad loo doortay ay tahay xamilka iyo dulqaadka ay uleedahay kuleelka.
Underwater Locator Beacon (ULB) waa radar si toos ah u hawlgeliya marka uu biyo taabto. Waxa uu soo dirayaa frequency ultrasonic ah 37.5 kHz kaas oo lagu ogaan karo aaladda mesha ay kaga jirto biyaha. waxa cajiib ah in dabka sanduuqan uu yahay mid jooga muddo 30 bari ah waxana u dabka helaya batari qaali ah oo ka sameysan lithium.
NB: sanduuqa madow ma ahan kalar ahan mid madow waa color bright orange. Tani waxay sahleysaa in sanduuqa uu ka dhax muuqdo ama laga dhex arko burburka goobta shilku ka dhacay, hadday tahay berriga, badweynta, ama goobaha barafka.