12/10/2026
Gudoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Muqdisho oo Booqday Bandhigga Ganacsiga SOM SUUQ EXPORT ee Degmada Hodan.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa booqday goobta uu ka socdo bandhigga ganacsiga ee SOM SUUQ EXPORT, kaas oo lagu soo bandhigayo ganacsiyo kala duwan, wax-soo-saarka iyo fursadaha maalgashi.
Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Hodan, Mudane Cali Axmed Faarax (Ali Fahle), iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugan goobta bandhigga.
Booqashada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta ganacsatada, kobcinta dhaqaalaha, taageeridda hal-abuurka ganacsiga iyo abuurista fursado cusub oo maalgashi.
Maamulka Degmada Hodan ayaa bogaadin iyo mahadcelin u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Muungaab, booqashadiisa iyo garab istaaggiisa dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta Ganacsatada Soomaaliyeed.
SOM SUUQ EXPORT waa fursad lagu soo bandhigayo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed, laguna kobcinayo dhaqaalaha iyo horumarka caasimadda Muqdisho. 🇸🇴
————- DHAMMAAD————