19/08/2022
Duruuf walba waqtiga ayaa keena iyo waayaha adag e nolosha la kulanto macalin iyo arday danta ciishay waxaa garab u noqday gaadiidga lo yaqaana bajaajka waxeyna noloshooda maareysay
Dhoor 100 o kun soomaali ah. Alxamdulilah
Shukran ustad: Aweys Hassan Mohamed
Ardayda aan macalinka u ahay waxa ay igu yiraahdaan, macalin maxaa Bajaaj in aad ka xeyso kugu kalifay adigoo Master degree wata oo Dalka dibaddiisa wax ku soo bartay?
Maxaad ugu jawaabtaa?
Jawaab walba oo aan siiyo ma fahmi karaan, sababtoo ah wali casharada nolosha waa ay u dhiman yihiin, laakin waa ay garan doonaan.
Waxaan ku iri halkee wax ku soo baratay?
Sudan oo waxaan soo bartay Cilmu Nafsiga Bulshada oo Master ayaan wataa.
Waxaan wax ku soo bartay jaamacadda Prof Dalxa uu ka soo afkaxay . Sidoo kale Duploma Media ahna waan wataa oo waxaan u soo shaqeeyay warbaahin Suudan fadhigeedu yahay.
Waa yahay , hadda Bajaajta iyo qalinka ayaad isku xallisaa .?
Alx nolosheyda waa xasilantahay, sababtoo ah nolosha waa hadba number ka adiga aad isku xirto , qanaacada ayaana muhiim ah .
Tan kale ardeydu waxa ay u heystaan in Bajaajta ay ka xeeyaan dadka nolosha ka dhacay ama wax barashada ka saaqiday ….
Aniga oo dareenkiisa ilaalinaya macalinkaasi qiimaha badan, waan jaray ka hadal ka arrintaasi.
Waxaana ku iri maalmo qurux badan oo macalinka qiimihiisa iyo noloshiisa sare loo qaado ayaa soo socda, nolosha na dibrinmeyso ee waan ka guuleysaneynaa.
Bilowga sheekada.
Markii aan Bajaajta soo raacay ayuu igu yiri Nin yahow igara raali noqo waxaad u egtahay wiil aan jaamacad Suudaan wada dhigannay oo waqtiga na kala qariyay.
Maya xamar ayaan wax ku bartay meelna uma bixin oo jaamacadda Muqdishu ayaan ka baxay.