06/04/2023
Shirkadda Horumarinta Ganacsiyada iyo Xirfadaha ee Hoombaro Teknooliji ayaa maanta u qabatay workshop ciwaankiisu ahaa Personal Development ardayda Dugsiga Sare ee Mudug Mudug Secondary School ee magaalada Gaalkacyo. Barnaamijka oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka faa'iideystay ardayda dugsiga sare oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho.
Barnaamijka ayaa waxaa gudbiyey ama jeediyey wakiilka Shirkadda Hoombaro Technology mudane Cabdirisaaq Cali Jaamac oo Shirkadda ku matalayey.
Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka iyo hawlwadeennada iskuulka sare ee Mudug oo kaalin wayn kulahaa qabsoomidda barnaamijkan muhiimka u ah aqoon kororsiga ardayda dhexdeeda waxaana ugu mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay noola shaqeeyaan si barnaamijkan u qabsoomo.
Hoombaro Technology waxay u heellan tahay u adeegidda dadka iyo deegaanka waxayna diyaar u tahay sare u qaadista karaanka, xirfadaha, aqoonta, iyo awoodaha heerarka kala duwan ee bulshada qaybeheeda sida; shaqsiyaadka, bahda waxbarashadda, bahda ganacsatada, ururada dawliga iyo kuwa aan ahayn dawliga.
Mahadsanid
......
The Hoombaro Technology Business Development Company today held a workshop titled "Personal Development" for the students of Mudug Secondary School in Galkayo. The highly organized program benefited high school students, both boys and girls.
The program was presented by the representative of Hoombaro Technology Company, Mr. Abdirisaq Ali Jama, who represented the company.
We are grateful to the management and staff of Mudug High School, who play a major role in organizing this program, which is important for improving the knowledge of the students, and we thank them for the good way they work with us to make this program happen.
Hoombaro Technology is dedicated to serving the people and the environment and is ready to enhance the abilities, skills, knowledge, and capacities of different levels of society in its sectors, such as individuals, the educational community, the business community, and governmental and non-governmental organizations.
Thank you
......