22/06/2023
TALO SOO JEEDIN
===============
Maal mahaan waxaa socda dabagal iyo baaritaano laxariiro musuq maasuq iyo wax isdaba marin waa arin fiican mudan dhiiri galin iyo in lataageero wixii cadeymo garabsiin ahna lagu taageero.
Sidaas oo ay tahay waxaa haboon in xogta iyo waxa labaahinayo lays ka xaqiijiyo si qof aan danbi lahayn sumcadiisa loogu ciyaarin loona bahdilin kii danbiga lahaana uusan u dhuuman.
Qof aysan maxk**ad xukumin oo danbi aan lagu soo oogin laguma tilmaami karo danbiile, xatooyo xoolo Iwm xitaa hadii laqabto ama xayiraad lagu sameeyo waxa uu noqonaa shaqsi lagu tuhmay danbi tuhunkiisana waxaa Bari yeeli kara ama ku cadeyn kara maxk**ad.
Waxaa qalad, sharaf dhac iyo danbi ah qof aan maxk**adu xukumin in aad inta sawirkiisa soo qaadatid baaritaan socda kiisa dusha ka saartid adigoon cadeyn hayn. Arintaasu waxay wax u dhibee shaqsiyadaada, waxaad ku weynee asxb badan oo shaqsigaas ehel, wll iyo sxb u ahaa, waxaadna isku diree oo qalad ka galee shaqsigaas laga yaabo biri in ay maxk**adu bari yeeaho.
Qofkii xatooyo xoolo ama danbi kale lagu helo oo ay maxk**adu xukunto yaan qabiil, saaxiibtinimo, shaqo wadaag, darisnimo, kooxeysi IWM lagu taageerin lagu difaacin oo yaanan noqon Tuug ku dhacaayay oo sharcigu qabtay in aad adigu sharciga ka difaacdo si uu hadana biri kuu dhaco.
W/Q: Mohamed Abdullahi Socdaal