11/08/2023
Jidka oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaya waa camal iyo dhaqan wanaagsan oo uu Islaamku boorriyay.
Nabigeenna ﷺ waxa uu noo sheegay in waddada oo laga qaado walxaha bulshada waxyeelleyn kara ay tahay sadaqo ajir lagu muto, waxa uuna xadiiskan uga warramay nin Jannada ku galay geed dadka dhib ku hayay, oo uu dariiqa ka jaray.