01/07/2025
Hambalyo 1-da Luulyo, Sanadguuradii 65-aad ee Xorriyadda & Midnimada Qaranka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saciid Axmed Cali ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan sanadguuradii 65-aad ee xorriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur, ee horseeday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha xorriyadda ay yihiin xasuus qaran oo muujinaysa halgankii ay shacabka Soomaaliyeed u galeen sidii ay uga bixi lahaayeen gumeystihii, una heli lahaayeen dowlad madax-bannaan.
“Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed, munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalin qaran oo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed. Waa maalin uu dalku helay midnimo qaran iyo xorriyad buuxda,” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan midnimada, wadajirka iyo horumarka dalka