05/09/2024
DIINTA & DOWLAD ISLAAM AH.
La iskuma qilaafsano qof walba in uu madax leeyahay, mana la isku qilaafsana madax kastaa in maskax ay ku jirto lkn waxaa la isku qilaafsanyahay maskaxdaas caqliga ku jiraa ma waxaa uu u fikiraa sida sida 3 jir, 30 jir, mase 90 jir ???.
Kutubta Fiqigu marka ay ka hadlayaan dowlad islaam ah waxa ay qabaan (-7 fasal ama kitaab ) oo asal u ah dhismaha dowlad islaam ah kuwaas oo kala ah
● 1- Xeerka Cibaadada. Dowlad islaam ah oo ummada u jihayso caqiidadooda saxda ah inay isku maamulaan, ku dhaqmaan, isku xakumaan, kuna cibaadaysato. Waxaana la yiraa (كتاب العبادت)
● 2-Xeerka mucaamalada wada dhaqanka dadka iyo heshiisyada bulshada sida iibka, kirada, amaahashada iyo mucaamalada kale ee ummadaha nagala dhaxayso oo ah heshiis bulsho ama Dastuur waxaa la yiraa (كتاب المعامله).
● 3-Xeeerka Qoyska, guurka, furiinka, xuquuqaadka, caruurta, tarbiyada oo la waafajiyo Diinta Islaamka waxaa la yiraa(كتاب الاسره)
● 4-Xeerka dambiyada, kuwa wax xado, kuwa wax dhaco, kuwa wax dilo wixii xukunka ikitabka uu ka qabo oo la yiraa (كتاب الجناية). Ama xeerka Dambiyada
● 5-Xeerk dowladaha dariska ah sida loola dhaqmo sida loola macaamilo dowladaha naga duwan Diin ahaan ee aan islaamka aheyn iyo shacabka kale ee aduunka ku nool qaabkii aan faaidooyin isku dhaafsan lahey, ula noolaan laheyn, ula ganacsan laheyn waxaa la yiraa. (كتاب سرايه).
● 6-Xeerka Maamulka madaxweynaha iyo ummada waxa ka dhexeeyo sida waxa ay wadagaan, xuquuqda shacabka iyo tan madaxda ay leedahay oo la yiraahdo (كتاب السلطانيه).
● 7-Xeerka Akhlaaqda, edebta, dhaqaka, ixtiraamka iyo wada noolashada bulshada ay yeelanayso oo la yiraahdo (كتاب لاخلق ؤالا داب).
NB-👇👇👇👇
Hadaba Suaashu waxaa ay tahay khawaarijtu ma waxaa ay rabaan hadii ay dalka qabsadaan inay soo celiyaan todobadaan xeer ee asalka u ah dowlad Islaami ah jawaabtu waa may.
Kaliya waxa ay u dagaalamayaan inay soo celiyaan kitaabka ciqaabta. hadii xukunka loo dhiibo waxa kaliya ay rabaan waa inay xeerka ciqaabta kaliya dabaqaan.
Dowladnimada ay u dagaalamayaan khawaarijtu ma'ahan naxariis, ma'ahan cadaalada, ma'ahan tii akhlaaq iyo dacwada si naxariista leh loo fidinaye, lkn waxa ay u dagaalamayaan waa inay muujiyaan.
"Islaam dhiig daadinaa, qof dhagax lagu dilaa, qof gacan laga jaraa iyo argagaxin bulsho".
Tusaale waxaa kugu filan waxaa ay mar walba soo daliilsadaan ayaadaha xukuna oo kaliya.
Jawaabta oo kooban ayaadaha xukunka ee ay soo daliilshadaan dhamaan waxa ay ka hadlayaan garsoorka iyo Maxk**adaha ee k**a hadlayaan dowlad dhis.
Hadii ay dhab ka tahay daliilka aayaadaha xukunka waxa ay aheed in Maxk**adaha ay ku biiraan lkn ma aysan aheyn in xukun dartiis iyo madaxtinimo ay dhiig u daadshaan.
Yaa Qaldan
Ummada Somaliyeed & Argagaxisada.