Hage Human Development Centre

Hage Human Development Centre Our purpose is to develop quality and quantity of our writer's ability Loyalty and transparency

28/12/2024

Baro lixdan xirfadood k**a maarantide!
Lixdan xirfadood ee kamid ah kuwa fudud(soft skills) k**a maarantide baro, si ay horumarka noloshaada kaaga anfacaan.

1) Confidence (kalsoonida):

Xirfaddan kalsoonidu waa mid ka mid ah xirfadaha aad ka u muhiimka ah ee looga baahanyahay goob kasta oo shaqo.Waxaana ay ka bilaabantaa inaad adigu marka h**e isku kalsoonaato oo aad naftaada aaminto, aqoon ahaan iyo xirfad ahaan oo aad naftaada dhisto.

2) Self-Motivation(dhiirigelin nafeed);

Inaad naftaada ku dhiirigelisid horumarka iyo isbedelka, waxay kuu horseedaysaa inaad horumar samaysid oo aad meel sare gaartid.Waxaana uga bilaabi kartaa dhiirigelinta naftaada si shaqooyinka aad qabanaysaa kuugu kala hormarsanaadaan oo aad natiijo fiican ka gaartid adigoo la yimaadda qodobadan;

> Maaraynta waqtigaaga(Time management)

>Inaad noqoto qof hawlaha shaqo u kala nidaamsanyihiin(organised).

> Noqo qof arrimaha ka fiiriya dhanka wanaagsan(optimistic).

3) Problem Solving(xallinta dhibaatooyinka);

Waxa hubaal ah nolosha intaad nooshahay inay kusoo wajahayaan ama aad la kulmaysid dhibaatooyin badan oo hadba sida aad u xalliso iyo sida aad uga baxdo ay ku xdhantahay saamynta nafeed ee ay kugu yeelanayaa. Tusaale ahaan waxa ka mid ah; dhibaatooyin maaliyadeed ama dhaqaale(financial problems), mid qoys( family problems) iyo mid waxbarasho(career problems) intaba.Markaa waxa loo baahanyahya inaad noqoto qof wax ka yaqaan sida loo xalliyo ama loo maareeyo dhibaatooyinkaa kusoo mara intaad joogto adduunka.

4) Hab la dhaqanka_dadka(Interpersonal skills):

Runtii dadka marka aad la socotid qaabka aad ula dhaqantid waa xirfad hab la dhaqan oo adiga kaa turjumaysa qofka aad tahay iyo dabeecadda aad leedahay. Tusaale ahaan, waxa ka mid ah hab la dhaqanka wanaagsan ee dadka inaad noqotid qof dhagayso fiican ah(good listener) oo aad hadalka dadka ka dhexgelin oo xushmeeya marka ay dadku la hadlayaan.Sidoo kale dad la dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah inaad ku dadaashid ilaalinta ballanta aad la gashid dadka, runta iyo amaanada.

5) Leadership (Hoggaaminta).

Kaliya maaha inaad hogaamiye ku noqon karid marka aad xil ama masuuliyad haysid,balse waxa hoggaamintu waxay ka bilaabantaa naftaad oo la doonayo inaad ku hoggaamisid wixii fiican ee horumar kuu leh islamarkaana kaa dhigi kara qof ka fiican midka aad hadda tahay ama ku gaadhsiin kara meel ka wanaagsan halka aad hadda joogtid.Waxaanad ogaataa marka aad naftaada si wanaagsan u hogaamisid uunbaad noqon kartaa hoggaamiye dadka hagi kara.

6) Team work(La shaqaynta dadka);

Ugu dambayn, xirfaddani waa mid ka mida kuwa ugu muhiimsan ee lagaaga baahanyahy marka aad joogtid goob shaqo maadaama ay lagama maarmaan tahay inaad la shaqaysid dadyaw kala duwan.Waxaana keeni kara inaad lahaatid dad la shaqayn fiicanm, inaad tahay qof la fahmi karo oo dabeecad ahaan lala shaqayn karo.

Qoraal-Qoris (note-Taking)!Faa'iddooyinka qoraal-qorista (Note-taking) ka.1. Dib-u-milicsi fudud: Waxay kuu sahlaysaa in...
15/12/2024

Qoraal-Qoris (note-Taking)!

Faa'iddooyinka qoraal-qorista (Note-taking) ka.

1. Dib-u-milicsi fudud:

Waxay kuu sahlaysaa inaad dib ugu noqoto oo aad xasuusato macluumaadka muhiimka ah si fudud marka aad u baahato. Waxa fiican toddobaadkii inaad yeelato hal maalin oo aad dib ugu noqoto wixii qoraal-qoris aad sameysay toddobaadkaa, bishaa iyo sannadkaa.

2. Xasuusta oo korta:

Marar badan si aad maskaxdaada nasasho u geliso waxaad u baahantahay inaad faaruqiso xogta ku jirta ee ka fikirsiinaysa adiga oo qoraal ka dhigaya. Xasuustaada ayey dhisaysaa oo ay si weyn u caawinaysaa. Si fudud kuma ilaawi doontid xogtii aad akhriday ama daawatay haddii aad qoraal kooban kala hadhay.

3. Nidaamsanaan:

Yeelashada iyo laqabsiga qoraal-qorista kooban ee dhacdooyinka hareerahaaga ka dhacaya, akhriskaaga iyo daawashada barnaamijyada qiimaha lihi waxay nidaaminayaan xogtaada. Kaydkaasi wuxuu ka dhigayaa noloshaada mid xiise leh. Tusaale, Kaydka buugaagta, Kaydka xikmadaha, Kaydka waxbarashada iyo kaydka diinta.

4. Dareen-dhis

Marka aad qoraal sameynayso dareemadaadu way soo wada jeedsadaan iyaga oo iscaawinaya. Diirad saaristaasi waxay ka ilaalinaysaa kala nidaamsanaan la'aanta dareemadaada habka ka faa'ideysiga xogta. Waxay keensanaysaa inaad ku wanaagsanaan karto akhriska,dhagaysiga iyo daawashada barnaamijyada waxtarka leh si isku mid ah. Waxaad awood u yeelanaysaa inaad saacad wax akhrin karto, saacad wax dhagaysan karto, iyo saacad inaad wax daawan karto iyadoo naftaadu degaan badan ku dareemaysa.

5. Fikirka iyo falanqeynta:

Markasta oo aad qoraal samaynayso, waxaad si qoto dheer u falanqeyn kartaa oo u fahmi kartaa macluumaadkaa, taas oo kaa caawin karta inaad fikraddahaaga ka shaqeysiiso oo aad la timaado aragtiy cusub.

6. Waxbarashada iyo shaqada:

Waxay kaa caawineysaa inaad si fiican ugu diyaar garowdo imtixaannada ama shaqooyinkaaga adiga oo xasuusan kara macluumaadka muhiimka ah. Waxa kale oo ay kaa caawin kartaa inaad diyaariso warbixinno iyo soo jeedimo tayo leh.

7. Is-horumarinta:

Qoraal kaydintu waxay kaa caawin kartaa inaad la socoto fikirkaaga iyo yoolalkaaga shaqsiyadeed, taas oo fududeyneysa inaad gaadho himilooyinkaaga nololeed.

8. Xirfaddaha isgaadhsiinta:

Waxay kordhin kartaa awooddaada inaad si cad oo wax ku ool ah u gudbiso fikraddahaaga, maadaama ay kaa caawineyso inaad nidaamiso oo aad habeyso macluumaadka oo qoraalku qayb muhiima ka yahay xirfadda wada-xidhiidhka (Communication skills).

9. Go'aan-qaadashada:

Waxay kuu sahlaysaa inaad dib u eegto oo aad falanqeyso xogta, taas oo kaa caawineysa inaad sameyso go'aanno xog-ogaal ah oo wanaagsan.

10. Nasasho iyo Dhiirigelin:

Badbaado ayuu kuu noqonayaa marar badan oo aad cadhaysantahay, niyad jabsan tahay, murugaysantahay iyo xaaladdaha aad faraxsantahay ee aad firaaqa hayso aad si fudud ugu noqon karto. Dhiirigelin iyo niyad-dhis ayaad ka heli kartaa ereyada xikmadda iyo faa’idadu dhex ceegaagto ee dhex fadhiya kaydadkaaga qoraaleed.

Xeeladaha aad ku dhisi karto caadada qoraal-qorista.:

1. Buug iyo qalin sido. Note ka moobilkaaga ku qoro xogaha muhiimka ah, sawiro oo screenshot ka qaado xog kasta oo waxtar leh si ay kuugu kaydsanto.

2. Google Drive adeegso, waliba Google Doc ku kaydso xogahaa. Si fududbaad laptop iyo telephone kaba aad uga dhex adeegsan kartaa adiga oo meelkasta jooga.

3. Qorshe dib-u-milicsi yeelo: Maalintii wakhti kooban, todobaadkii, bishii amma lixdii bilood mar dib ugu noqo xogta kuu kaydsan oo dhan.

Fursaddu waa maanta ee maanta isdaba-qabatee idamka Alle adiga oo Ilaahay SWT talo-saaranaya.

16/11/2024

Haddii aad ku jahawareersantahay sida loo diyaariyo Buugga Qalin-jebinta( Thesis Preparation) waxaan diyaar kula nahay gacansiin ku saleysan aqoon iyo waaya aragnimo, Annaga oo kaa caawineyna:
1️⃣ Sida loo doorto mawduuc wanaagsan oo la baadhi karo (Topic Selection)
2️⃣ Sida loo qoro chapter one-ka;
3️⃣Sida loo qoro Chapter two loona sameeyo literature review-ga.
4️⃣ Qaabka loo qoro research methodology
5️⃣ Waxa kale oo aan kaa caawin doonaa sida loo diyaariyo su'aalaha questionnaire-ka iyo Interview-ga iyo Sido kale, waxa aan kaa caawinaynaa tools kala duwan ee loo isticmaalo in lagu soo ururiyo xogta [data collection].
6️⃣ Sidoo kale, waxa aan kaa caawin doonaa sida loo qoro bogaga hordhaca ah ama preliminary pages Sida loo qurxiyo loona habeeyo buugaaga
7️⃣ Sida loo analyse gareeyo loona turjumo xogta
8️⃣ Sida loo qoro chapter five

Waxaan kuugu adeegi doonaa waqti kooban adigoo heli doona adeeg hufan.
Meel kasta oo aad joogto adeegeena waad ka heli kartaa.
➡️ Si aan ku caawino nagala soo Xadhiidha/xariira.
🛜Whatsapp: 615961359/617066054
Hage inuu ku caawiyo ayuu heegan u yahay had iyo jeer✔️

13/11/2024

Waa Maxay Caqabadaha Cv-Gaaga Haystaa?

Shaqo kasta oo aan cv-gayga diro la iima soo jawaabo'e waa maxay sababtu? Tan ayaa ah su'aasha ugu badan ee soo noqnoqata. Hadaba weli ma is weydiisay mushkiladu halka ay kaa haysato? Iyo caqabadan sababta ay dad badani kaagala siman yihiin?

Waxa jira sababo badan oo aanu kuugu soo jawaabayn loo shaqeeyuhu, taas oo mas’uul ka ah jawaab la’aantaada. Sababahaasna waxaa ka mida:

1. Is Waafaqsanaan La’aan

Marar badan waxa aanu loo shaqeeyuhu kuu aqbalayn Cv-gaaga iyo shaqada la baahiyay oo aan islahayn. Tusaale ahaan shaqo qof takhasuskiisu caafimaad yahay loo baahan yahay ayaad ku xaraynaysaa mid Engineer-nimo. Tanina waxa ay fogaynaysaa fursad aad ku heli lahayd shaqo. Isku day in aad akhrido waxa uu loo shaqeeyuhu u baahan yahay, taas oo kuu fududaynaysa in aad xarayso shaqo kugu habboon.

2. Dirista Waraaqo Badan

Shaqo bixiyuhu waqti uma hayo akhrinta waraaqo badan, tanina waxa ay luminaysaa muhiimaddii uu siin lahaa akhrinta waraaqahaaga; sidoo kalena waxa ay fogaynaysaa fursaddii.

Hage wuxu diyaar kula yahay inuu kugu hago wadada horumarka.

10/11/2024

Kobcinta Xirfadaha

Xirfaduhu waa dhismaha aqoonta iyo waayo-aragnimada. Waxay awood u siiyaan shakhsiyaadka inay ku fiicnaadaan xulashadooda ay doorteen oo ay albaabada u furaan aragtiyo cusub. Kartida wax-barashada iyo la qabsigu waa astaanta guusha adduunka casriga ah, halkaas oo horumarka tignoolajiyada iyo warshadaha firfircooni ay u baahan yihiin koboc joogto ah iyo hal-abuurnimo. Haddaba, aynu dhex galno dariiqooyinka tirada badan ee horseeda kobcinta xirfadda iyo korriinka shakhsi ahaaneed.

Halkan waxaa ah 20 hab oo aad ku kordhin karto xirfadahaaga:

1. Qaado Koorsooyin: Is qor koorsooyin rasmi ah ama fasallo fogaan-arag ah (online) oo khuseeya aaggaga aad xiisaynayso.

2. Akhri Buugaagta: Ku dadaal akhriska buugaagta, ha ahaadan kuwo waxbarasho iyo kuwo dhiirigelin leh, si aad u korodhsato aqoon iyo aragtiyo cusub.

3. Casharrada Fogaan Araga ah: Isticmaal casharro online ah oo ay bixinayaan khubaro kaa aqoon sareeya. Si aad u barato xirfado iyo aqoon kugu cusub.

4. Si joogto ah u tababaro: Si joogto ah ugu tababaro oo u adeegso xirfadahaaga si aad u horumariso. Dhaqan gelintani waxay kor u qaadaysaa khibradaada.

5. Ka qaybgal Aqoon-is-weydaarsiyo: Ka qayb-gal aqoon-is-weydaarsiyo, la xidhiidha xirfadaada. Tani waxay korinaysaa sidii aad u heli lahayd fekrado kala duwan oo la xidhiidha xirfadaada.

6. Raadi lataliye: Ka raadso hagid lataliye khibrad leh oo bixin kara fikrado qiimo leh. Ku dada l sidii aad u heli lahayd qof kugu haga dhanka wanaagsan. Noloshu k**a maaranto in aad hesho la taliyayaal talo habboon le.

7. Shabakado: La xidhiidh xirfadlayaasha goobtaada si aad u wadaagtaan aqoonta iyo iskaashiga. Mar kasta oo aad barato shakhsiyaad xidhiidh la le xirfadaada, waa mar kasta oo aad kobcinayso hannaanka aad u aragto xirfaddaas.

8. Ka Qayb-gal Doodaha: Ka qaybgal golayaasha tooska ah iyo kuwa fogaan araga ah labadaba; si aad in uun wax uga korodhsato aqoontooda.

9. Xog-ogaal: La soco wararka la xidhiidha xirfadaada iyo isbeddelada ku socda, adiga oo u maraya mareegaha lagu baahiyo wararkaas. Ko u qaad wacyigaaga, si aad u hesho aragtiyo carin kara maskaxdaada.

10. Tabarruc: Sii xirfadahaaga hay'adaha aan faa'iido doonka ahayn ama kuwa maxalliga ah si aad khibrad u hesho. Waqtigaaga qayb kamida in aad bulashada ku celisaa maaha dayacaad aad samaysay; taa badalkeeda waa hogaamin aad naftaada u samaysay.

11. Deji Yoolal: Qeex Gaar ah, La Cabbirayo, La Gaadhi Karo, La Xidhiidha, Iyo Yoolalka Wakhtiga Ku Xidhan ee Horumarinta Xirfadda. Deji yoolal: la gaadhi karo, la cabiri karo, sidoo kalena la muddayn karo. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad si fudud ku barato xirfdo cusub ama aad ku sii horumariso kuwo aad taqaanay.

12. Naftaada Dadaal Geli: Qabo mashruucyo ama hawlo kugu riixaya in aad dhamaystirto oo kugu qasbaya inaad wax barato. Nafta marar badan waxa ay ku tarbiyowdaa in la hor dhigo caqabado, si ay u soo saarto nooca ugu fiican ee shakhsiyadaada.

13. Jawaab celin: Ka raadso jawaab celin wax ku ool ah asxaabta, ehelka, lataliyeyaal iyo shakhsiyaadka tudhaalaha kuu le, si aad u hesho meelaha kaaga baahan in aad horumariso.

14. Baro Dad kale: Barashada shakhsiyaadka aad isku xirfadda tihiin waxay sii kordhin kartaa fahamkaaga iyo koboca xirfadahaaga.

15. Isticmaal tignoolajiyada: Baadh apps, software iyo agabka caawin kara horumarinta xirfadaha. Kor u qaad sidii aad ula fal-geli lahayd tignoolajiga si waxtar le.

16. Tababaro Kala Duwan: Ka baro xirfadaha meelo kala duwan si aad u balaadhiso khibradaada. Iskaga gudub dhulal kala duwan, si aad si wax-ku-ool ah ugu hesho xogaha ay sidaan: deegaannada iyo dadyowgu.

17. Nasasho qaado: U ogolow naftaada wakhti nasasho iyo fikir si aad u xoojiso waxbarashadaada iyo aqoon korodhsigaaga. Marnaba ha illaawin masuuliyaadka kaa saaran naftaada.

18. Ku Biir Ururada Xirfadlayaasha: Xubin ka noqo ururada ka jira deegaankaaga, si aad u koriso xidhiidhadaada una qaabayso xirfadahaaga.

19. Diiwaangeli Horumarkaaga: Haka caajisin in aad talaabooyinka yaryar ee aad qaadayso aad diwaan-gashato. Hayso joornaal ama faylal si aad ula socoto horumarkaaga iyo guulahaaga.

20. Haka Cabsan Guuldarrada: Ha ka baqin inaad qalad sameyso; waa waayo-aragnimo waxbarasho oo qiimo leh. Isku day in aad h**e uga sii socoto oo aad wax ka barato.

Xusuusnow in furaha hagaajinta xirfaddu ay tahay joogtaynta iyo daacadnimada. Waqti u qoondee ku-dhaqanka xirfadahaaga oo mar walba u furnow waxbarashada.

Hage Human Development Centre

1. How to Win Friends and Influence People by Dale CarnegieWhy: A timeless guide to building connections and influencing...
05/11/2024

1. How to Win Friends and Influence People by Dale Carnegie
Why: A timeless guide to building connections and influencing others, this book’s advice on empathy and rapport is invaluable for personal and professional relationships.

2. Deep Work by Cal Newport
Why: In a world full of distractions, Newport’s strategies for deep focus help you achieve greater productivity and mastery in any field.

3. The 7 Habits of Highly Effective People by Stephen R. Covey
Why: Covey’s seven habits offer a clear path to achieving balance, effectiveness, and lasting success in both work and life.

4. Mindset by Carol S. Dweck
Why: Dweck’s insights on growth vs. fixed mindsets empower readers to embrace challenges and grow, essential for resilience and lifelong learning.

5. Getting Things Done by David Allen
Why: Allen’s practical system for organization and time management can bring clarity, reduce stress, and enhance productivity.
Hage Human Development Centre

Qaladaadka Waraysiyada Shaqada Waraysiyadu waa qayb qiimo leh oo ka mid ah nidaamka codsiga shaqada. Iyadoo hababka ugu ...
05/11/2024

Qaladaadka Waraysiyada Shaqada

Waraysiyadu waa qayb qiimo leh oo ka mid ah nidaamka codsiga shaqada. Iyadoo hababka ugu wanaagsan ee wareysiga xooggan ay ka mid yihiin maareynta waqtiga, kalsoonida iyo luuqadda jidhka; musharaxiinta qaarkood waxay sameeyaan khaladaad mudan in la iftiimiyo inta lagu jiro wareysigooda. Ka fogow khaladaadka wareysiga si aad aragti h**e oo wanaagsan u sameyso oo aad u hesho booska shaqo.

Maqaalkan, waxaynu ku sharaxaynaa sababta wareysiyada shaqadu ay muhiimka u yihiin iyo sida looga fogaado khaladaadka waraysiga shaqada.

Khaladaadka waraysiga iyo sida looga fogaado:

Haddi aad ku cusub tahay waraysiga shaqada (job interview), waxa fiican inaad dib u eegto rajada laga filayo muuqaalkaaga, isu diyaarintaada iyo ilaalinta wakhtiga waraysiga shaqada.

1. Diyaarin la'aanta

Iska ilaali inaad gasho waraysiga adigoon waxba ka baran shirkadda ama jagada aad u tartamayso. Maareeyayaasha shaqaaleysiintu waxay filayaan inaad wax ka ogaan doonto ururka iyo doorka ka hor wareysiga shaqada.
Taa baddalkeeda, maadaama aad had iyo jeer horay u sii ogaan doonto wareysiga shaqada, qaado waqtiga u dhexeeya martiqaadka iyo wareysiga dhabta ah si aad ugu diyaargarowdo barashada shirkadda, soo saarista macluumaadka lagaaga baahan karo, sida liiska tixraacyada iyo diyaarinta su'aalo aad waydiiso.

2. Cilmi-baadhis xaddidan

Iska ilaali inaad dayacdo inaad cilmi-baadhis ku samayso shirkadda, shaqada ama mas'uuliyadda jagada ka hor waraysiga.Taa baddalkeeda, soo gal adiga oo ogaanaya waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkadda iyo fikradda ah sida booska aad wareysiga u leedahay uu ugu habboon yahay ururka guud ahaan.

3. Xidhashada dhar aan habboonayn

Iska ilaali xidhashada dhar aan habboonayn xilliga waraysiga shaqada. Xidho dhar caadi ah. Haddii aad xidhato dhar qaali ah waxaad bixinaysaa farriin aan habboonayn. Sidoo kalena waxaad la labbis noqonaysaa maamulayaasha waraysiga shaqada.
Taa beddelkeeda, ka feker waxa aad xidhan doonto, adiga oo waafajinaya booska shaqo.

4. habsan

Iska ilaali in aad habsaanto, habsanku waxa uu kaa gudbinayaa sifo aan habboonayn.

Taa beddelkeeda, imo dhowr daqiiqo ka hor. Kahor waraysiga oo aad timaado waxa uu kaa caawinayaa in aad la qabsato jewiga goobta; sidoo kalena aad naftaada u diyaariso waraysiga.

5. Isticmaalka taleefankaaga

Iska ilaali inaad adeegsato taleefankaaga inta lagu jiro waraysiga. Tani waxay tusin kartaa inaadan dan ka lahayn wada hadalka oo aad leedahay arrimo ka muhiimsan oo aad dareenkaaga siiso.
Bedelkeeda, dami teleefankaaga. Xidho saacad haddii aad rabto inaad ogaato saacadda.

6. Weydiinta su'aalo h**e

Iska ilaali inaad waydiiso su'aalaha muuqda ama uu waraystuhu mar h**e ka hadlay wada hadalka dhexdiisa, maxaa yeelay tani waxay tusinaysaa inaadan dheg jalaq u siin hadalkiisa.Taa beddelkeeda, weydii su'aalaha asalka ah ee la xidhiidha shaqada ama shirkadda. Haddii maareeyaha shaqaalaynta uu mar h**e ka jawaabay mid ka mid ah su'aalahaagii h**e loo qorsheeyay, looma baahna in mar labaad la waydiiyo.

7. Si xun u hadal

Iska ilaali inaad si xun uga hadasho shaqooyinkii h**e, shirkadaha, kormeerayaasha ama asxaabtaadi.
Taa beddelkeeda, xitaa haddii aad la kulantay caqabado jagooyinkii h**e, ku ilaali codkaaga iyo luqadaada ku saabsan shaqooyinkaas mid wanaagsan; haddii aad ka tegi kartana kaba sii fiican.

8. Diyaarinta mushaharka oo la dayaco

Iska ilaali inaad markaba la soo booddo arrimaha la xidhiidha mushaharka, sidoo kalena iska ilaali inaad timaadid waraysiga adigoon gabi ahaanba diyaar u ahayn inaad ka hadasho mushaharka.
Taa baddalkeeda, diyaari mushahar kala duwan oo aad la wadaagto haddii lagu waydiiyo, diyaarna u noqo inaad gorgortan gasho haddii lagaa codsado.

9. Isticmaalka isgaadhsiinta aan afka ahayn

Iska ilaali hoos u eegidda, qarinta gacmahaaga iyo inaad muujiso deganaan la’aan; maadaama maamuluhu uu u fasiran karo falalkani inay yihiin calaamado raaxo darro ama daacad darro ah.
Taa beddelkeeda, dhoola caddee, isha ku hay oo gacmahaagu ha muuqdaan si aad u tustid maamulaha shaqaaleysiinta inaad ku kalsoon tahay naftaada, daacadna aad tahay.

10. Beenta

Iska ilaali inaad qurxiso resumeygaaga ama inaad been ka sheegto khibradaada shaqo, waxbarasho ama dhinac kasta oo kale oo noloshaada ah.
Taa beddelkeeda, daacad uga noqo maamulaha shaqaaleysiinta wixii ku saabsan tagtadaadii. Haddii aad ogtahay in maamulaha shaqaalayntu uu kuu hayo su'aalo ku saabsan qaybo ka mid ah taariikhda shaqadaada oo laga yaabo inay adagtahay in aad ka jawaabto, horay u sii diyaari jawaabaha.
Hage Human Development Centre

03/11/2024

10 Hab Oo Qalinjebiyuhu Ugu Diyaar Garoobi Karo Suuqa Shaqada!

1. Shaqada ugu horreysaa waa inaad ka shaqayso CV/Resume-kaaga

Waxa laga yaaba inaad hal (1) CV Laba sanno aad shaqooyin ku xareynaysay, aanad wax cusboonaysiina xataa ku sameyn. Shaqo walba oo aad codsanayso waa inuu CV-gaagu updated ahaadaa isla markaana aad ku fadhiisisaa shuruudaha looga baahan yahay qorfka shaqo codsadaha ah. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ku guuleysan karto ugudbidda heerka Kan xiga ee WARAYSIGA SHAQO.

2. Ogow waxa aad rabto

Fahmidda qiimahaaga iyo waxyaalaha agtaada muhiimka ka ahi waxay kuu suurtogelin karaan ku guuleysiga shaqo. Ogow waxa aad rabto isla markaana hakuu kala cadaadaan. Haddii aad suuqa shaqada ku cusubtahay oo aad raadinayso fursad waxaad u baahan tahay inaad naftaada waydiiso MAXAAD RABTAA? Ma inaad shaqo walba qabato mise inaad shaqo aad ku dalaci karto inaad awoodda isugu geyso?

3. Runta.

Haddii aad khibrad u baahantahay waa inaad tusi kartaa kaalmeynta iyo runta ay shaqaalaha kale kaa rajeynayaan. Shaqaalaha ugu wanaagsani waa ka hal-abuurka leh, wax soo kordhin kara, la dhaqmi kara dadyow kala dhaqan iyo dabeecad gedisan, Xalin kara mashaakilaadka markay soo wajahaan caqabado.

4. Dhis barahaaga Bulshada (Mid kaliya).

Ma isticmaashaa Linkedin? Haddii aanad isticmaalin hada samayso. Dhis profile-kaaga iyo guulaha aad gaadhay. Hubi inaad guulahaaga soo bandhigto. Shaqo raadiyayaashu marmarka qaar waxay tixgelinbadna siiyaan dadyowga technology-yada la haysta ee CV-googa ku update gareeya LINKEDIN.COM kooga.

5. Firfircooni

Diyaar u ahow inaad horumariso khibradahaaga shaqo ama inaad ka falceliye noqoto uun. Garo isla markaana fahan loo shaqeeyaha iyo cidda aad u shaqaynayso labadaba. Markaad taa xaqiijiso waxaaad ogaan kartaa rejadaa ama waxa lagaa rejaynayo. Isla markaana qorshee inaad h**e uga sii socoto rejooyinkaa lagaa leeyahay



6. Xidhiidho cusub samee ka hor qalinjebinta (Barashada dadka goobaha aad rabto inaad ka shaqayso ka shaqeeya baro).

Bilow barashada dad cusub oo ka shaqeeya takhasuskaaga intaanad soo qalinjebin. Dad xidhiidho wacan leh oo aan wakhtiga lumin, ka faa'ideeya. Inaad cid ka taqaano goobaha shaqadu waxay ku dhaxalsiin kartaa khibrad iyo xirfado aad si fudud ugu shaqayn karto.

7. Diyaar u noqo shaqo

Maamulayaasha shirkadaha iyo hay'adaha waxaad ka maqlaysaa iyagoo inbadan wakhti ku bixinaya sidii qofka loogu diyaarin lahaa shaqadan. xaga wakhtiga, hu' xidhashada, u diyaargarowga kulamada, ku dhamaynta shaqooyinka wakhtigooda, la shaqeynta toolmoon iyo la macaamilka toosan ee shaqaalaha kale. Waxay u muuqataa waxyaalo qofku iska dhisi karo si uu u shaqo galo. Haddii aad xirfadahaa khabiir ku noqoto waxa fududaanaysa inaad shaqadaa si fudud ugu guuleysan karto

8. Danayn muuji (Tus inaa u han weyn tahay ka shaqeynta shirkaddan ama Ururkan)

Qaado wakhti wacan oo aad ku baran karto doorkaaga shaqo ee shaqadan aad codsanayso adigoo waraysanaya xidhiidhada cusub ee meesha ka shaqeeya, si ay kaaga caawiyaan. Waxay ku dhaxal siin kartaa in lagu qaato oo aad noqoto qof ku habboon shaqada.

9. Hel hagid ama Tusaale quruxbadan

Habka ugu fudud ee aad ku horumarin karto xirfadahaaga waa adigoo hela hage kaa caawiya inaad tubta ugu saxan u marto kobcinta xirfadahaaga markaad wareysi shaqo galeyso shirkad ama urur aad kala tashato waxyaalaha looga baahan yahay shaqadan iyo hababkaad ugu diyaar garoobayso lahaanshaha qof aad aamini karto inuu kaa caawin karo inaad horumar nafeed sameyso isla markaana aad fursadaha uga faa'ideysan karto.

10. Cusboonaysiin Togan iyo Talo Wadaag

Bilow oo si togan u diyaari naftaada shaqada u h**eysa. Shaqadaada bilan iyo waxqabadkaaga la wadaag akhyaartaada aad hiigsato gaadhista halka ay joogaan waxaad ka heli kaabis iyo toosin kalsoonidaada iyo h**e u socodkaagaba kor u qaadi karta. Talo wadaagnimadu waxay ku dhaxal siisaa meel aanad kali ahaantaa gaadhi karteen, waxay kuu dhisi kartaa si aanad waligaa isu dhisteen. Dhallinyarannimadu waa marka loogu talo iyo toosinba baahan yahay. Ruux kasta oo kaa waayo aragsan haddii aad kala tashato hiigsigaaga iyo waxqabadkaaga meel kasii wacanbaad qorshayn oo aad gaadhi kartaa.

OGOW: Dadku mawada ah xul. Inbaa jiri karta ku hanjebin karta kuwaas waligaa hala saaxiibin. Hana la tashan waayo uma qalmaan mar haddaanay ogolayn inaad laba talaabo h**e u qaado. Qiimee qofka aad la tashanayso isagu muxuu taray naftiisa marka h**e, halkee ayuu gaadhay, muxuu ku dheeryahay/dheertahay. Qof tusaale quruxbadan oo bulshada sumcad iyo sharfid ku dhexlehbaa hormarkaagana saamayn wayn ku yeelan kara. Shaandhadu waxay shaaha ka reebta Hadhaaga aan loo baahnayn. Shaandhee saaxiibadaa oo ka agdhowow dadka horumar ku gaadhsiin kara.
Hage Human Development Centre

28/10/2024



➡️ Ma rabtaa inaad noqoto qof aqoon iyo xirfad u leh waraysiyada Shaqo(Job Interview) ?

➡️ Ma doonaysaa inaad noqoto qof si Kalsooni leh uga jawaaba su'aallaha waraysiyada shaqo?
,
➡️Buugga Hage waxa uu kaa caawinayaa Su'aalo iyo Jawaabo ku yimaadda waraysiyada shaqo [Job Interviews].

➡️ Buuggan waxa laguugu soo koobay Su'aallaha iyo Jawabaha ugu Muhiimsan waraysiyada shaqo oo English ah.

♦️ Ka mid noqo dadka ugu horreeya ee hela buugga Hage_job interviews.

F.G: Buuggu waxa ku heli karta Hab fudud.
♦️ Whatsapp:0615961359/617066054

27/10/2024

CV Writing

Furaha Shaqadu waa Codsiga shaqada CV oo Noqda Mid Casri ah, Lana aqbali karo.
Haddii aad u baahan tahay in laga caawiyo Codsi Shaqo [CV] iyo Cover Letter.
Waxa ku fududeynaya Xarunta [HHDC]
Hage Human Development Centre

13/10/2024

:
[Report writing skills]

Shaqooyin badan ayaa u baahan xirfadda qorista warbixinnaha, oo ay ka mid yihiin:

1. Maamulaha mashaariicda:

Qorista warbixinnada mashruucyada kala duwan iyo horumarkooda.

2. Cilmibaadhe:

Soo gudbinta natiijooyinka cilmibaadhis iyo xogaha la soo ururiyey.

3. Maamule NGO:

Qorista warbixinnada deeq-bixiyayaasha iyo kuwa kale ee daneeyayaasha ah.

4. Qoraaga warbixinnada dhaqaale:

Warbixin ku saabsan dhaqaalaha shirkad ama hay’ad.

muhiimka ah:

1. Aqoonta iyo fahamka mawduuca:

Inaad leedahay faham qoto dheer oo ku saabsan mawduuca aad ka qorayso.

2. Xog ururin:

Inaad si sax ah xogta ugu ururin karto hab cilmi ku dhisan.

3. Qorista iyo habaynta:

Xirfaddaha qoraalka toolmoon, habaysan oo soo jiidasho.

4. Falanqayn iyo qiimeyn:

Inaad si qoto dheer u falanqeyn karto macluumaadka oo aad qiimeyn ku sameyn karto xogta.

5. Software-ka iyo tools-ka:

Barnaamijyada ama qalabka loo isticmaalo qoraalka iyo soo bandhigidda warbixinta (sida Microsoft Word, Excel, iyo PowerPoint).

Warbixinta wanaagsan waxay soo bandhigtaa xog sax ah, falanqeyn cad, iyo talooyin ku habboon si loo gaadho go’aamo waxtar leh. Inaad barato ama lahaato xirfadda warbixin qorista toolmoon oo aad barataa waa mid aasaas u ah dhammaan waaxyaha shaqooyinka shirkaddaha, hay’addaha iyo xafiisyada dawladdaba. Haddii aanad h**e u qaadan tababaro la xidhiidha qorshaha ku darso bilaha soo socda maalgelinta nafeed ee aad ku horumarinayso xirfaddahaaga shaqo si aad dalacsiin iyo horusocod shaqo aad u hesho idamka Alle.
Hage Human Development Centre

12/10/2024

Qormadda 2
[Report writing skills]

Xirfadda qorista warbixinta waxay fursado shaqo iyo horumar ku leedahay meelo badan oo kala duwan, oo ay kamid yihiin:

1. Hay’adaha NGO-yada iyo samafalka:

Waxa loo baahan yahay in dadku qoraan warbixinada ku saabsan mashaariicda, horumarka, iyo xogaha la xadhiidha gargaarka degdegga ah.

2. Xafiisyada dawladda:

Warbixinnada muhiimka ah ee la xidhiidha adeegyada bulshada, siyaasaddaha iyo horumarka.

3. Shirkaddaha ganacsiga:

Shirkaddaha waxay u baahan yihiin warbixinno ku saabsan qiimeynta suuqyada, ganacsiga gudaha iyo dibadda, iyo cilmi-baadhisyo dhaqaale.

4. Waxbarashada iyo cilmi-baadhista:

Xirfadda qoris warbixinnadu waa mid muhiim ah oo aad loogu baahan yahay gudaha jaamacadaha, mac-hadyada, iyo xarumaha cilmi-baadhista.

5. La-taliye shaqo:

Warbixin qoristu waxay ku caawin kartaa inaad noqoto la-taliye xirfadle ah, sababtoo ah warbixinnadu waa habka lagu soo gudbiyo talooyinka iyo daraasaddaha la sameeyay.
Continue........

Address

Prima Palace In Front Of Banadir University
Mogadishu
HODANDISTRICT

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hage Human Development Centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hage Human Development Centre:

Share