Macdan Maal

Macdan Maal Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Macdan Maal, Geological service, City Mall, Mogadishu.

Shirkadda Macdan Maal waxay kuu sahli doontaa in aad wax badan kala socotid macdanta shaqooyin kooda kala duwan sida
iibinta macdanta
iibsashada macdanta iyo
shaybaarka macdanta IWM

27/02/2025

In Mogadishu PM of Ethiopia.

–Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa war cusub kasoo saaray halka uu marayo Sahaminta shidaalka dalka oo ay ku howlan ...
08/02/2025

–Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa war cusub kasoo saaray halka uu marayo Sahaminta shidaalka dalka oo ay ku howlan tahay Ankara.

21/11/2024

Asc
dhamaan macaamiisha ku xiran bogaan waxaan leenahay ka raali ahaada mudadii aan wada ka maqnayn hada waa soo laabanay waanan idiin soo gudbin doonaa howlihii macdanta ku saabsanaa dhamaantood insha Allah,

21/07/2024

Asc
Asxaabta ku xiran boga macdan maal isku soo noqon wanaagsan.

Milxo magaalada DahabkaMilxo waxaan wax yar kaaga sheegayaa waa Magaalada ay ku taal Xarunta ugu wayn ee laga Qodo Dahab...
03/11/2022

Milxo magaalada Dahabka
Milxo waxaan wax yar kaaga sheegayaa waa Magaalada ay ku taal Xarunta ugu wayn ee laga Qodo Dahabka Soomaaliya waxay ka Tirsan tahay Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag waxay ku taal Buurta Hodanka ah ee Calmadow Hoosteeda waxay xeebta Badda cas u jirtaa 15 km muddo lix sano ah aya waxaa laga soo saarayay Dahab loo Dhoofiyo Dibadda Soo saarista Dahabku waxay soo martay sadix marxaladood oo kala ah
1- marxaladdii koowaad waxaa Dahabka laga Guri jiray Dhulka Dushiisa waxaana lagu Guri jiray Saacado Gold Detector ah
2- marxaladda labaad waxaa la Shaqshaqi jiray Ciidda shaqadaanu waxay ahayd mid dadka oo dhan ka Faa,iidaysto gaar ahaan Dumarka iyo Caruurta ayaa si fudud dahab ku heli jiray kagana macaashi jiray.
3- Marxaladda sadixaad waa Tan hadda lagu sheqeeyo waxaa la sameeyay maalgalin Badan oo ay ka mid yihiin Cagafyada Waawayn ee Dhulka lagu Qodo, Wiishash iyo Mishinno Dahabka Sifeeya waxaa la qodaa Godad dhaadheer oo Khatartoodu Badan tahay.
Qaabka Dhulka :- Dhulku wuxuu isugu Jiraa Buuro, Bannaan iyo Togag waa Dhul jiq ah oo dhirtu aad ugu badan tahay Biyana leh
Dadka Daggan Dhulka:- Waa Dad ilaahay Gobanimo u Dhamaystiray Taas waxaa Daliil u ah Lix sano Dhulkooda waxaa ka shaqaysanayay Soomaali oo dhan cid ay ka sheegteen iyo cid ay ku xumeeyeenna ma jirto waxay muujiyeen in laga maarmi karo Qofkaasu yuu yahay ama muxuu yahay Dadku Hal Hayb ayuu leeyahay oo ah Dahable.
Maamulka:- Majiro maamul Dawladeed oo goobtaas ka Taliya Waxaa ka Taliya Saldanada Faca wayn ee Warsangali.
Buuraha Calmadow oo ka sarreeya waxaa Haysta Shabaab Milxo laba jeer ayay Shabaabku yimaadeen Mar waxaa soo Hoggaamiyay Dadka Deegaanka waxayna ahayd 2021 mar a iyagaa iskood u yimid iyagoo Diiddanaa Maamul ay Dadka Deegaanku Samaysteen Markaana waxaa la Dagaalamay Ciidamo Beesha ah oo ka saaray Magaalada.
Wax soo saarka isku Celcelis 24 kii Sac waxaa ka soo Baxa Milxo 5kg oo Dahab ah Qiimaha kiiladu waa $38,000=$190,000 Bishii waxaa ka soo baxa 150kgx$38,000=$5700,000 Shan malyan iyo Todoba Boqol oo kun oo Doollar way ka Badan kartaa mar mar wayna ka yaraan kartaa Dahabka ka soo Baxa waxaa loo Dhoofiyaa Dibadda
Amniga iyo Maamulku:- waa wanaagsan yahay waxaana Hadda Hawsha ku soo Badanaya oo Maalgashanaya Ganacsato Gudaha iyo Dibaddaba ka imaanayna Horumar in lagu Tillaabsadana waa la Rajaynayaa.
Badqabka Dadku:- aad buu u Hooseeyaa Dadka waxaa ku Duma Godadka oo ay ku dhintaan waxaa Cuna Halaqa oo mararka qaar dhimasho sababa.
Maandooriyaha Qaadka iyo Khamrada oo hadda aad ugu soo badanaysa Degaanka ayaa Dhibaato ku ah.
Ilaalinta Deegaanku:- waa Hoosaysaa oo Dhulka waxaa laga Qoday Godad aad u badan in wax laga qabtana marar badan waa la isku dayay laakiin laguma Guulaysan waxaa kaloo Deegaanka,Dadka iyo Duunyadaba Dhibaato ku keenaya kiimikooyinka iyo Meerkurida Cad oo Dahabka lagu sifeeyo oo Biyaha soconaya lagu daro.
Sooyaalka Dhulku:- Waa Mid Fac wayn Dadku waa Badmaaxiin Dhulmareenno ah oo Il Bax ah Deegaanka waxaa ku yaal Buuro lagu magacaabo Xasow oo Shabaha Ahraamta oo ay ku xardhan yihiin aasaar iyo Taariikho Fac wayn oo aan muuqaaladooda idiin soo Gudbinayo. Degmada Laasqoray:- Dawladdii kacaanku waxay ka Dhistay Warshaddii kalluunka Laasqoray oo ka mid ahayd warshadihii waawaynaa ee Dalka Burburkiina Ganacsatada Degaanka ayaa warshad wayn oo kalluunka ka hirgaliyay Waxaa kaloo ay Dadka Degaanku isku Dayeen inay Dakad ka Dhisaan Laasqoray Degaanka Calmadow waxaa laga Hirgaliyay Beero sidoo kale Degaanka Xeebta Faadumo jibriil oo u Dhaqdhaqaaqda ilaalinta Deegaanka ayaa ka Hirgalisay Beero wax soo Saar Kooda ugu badan yahay Timirta Beerahaas Qaar waxay ku jihaysay Dhalinyaradii Deegaanka Xaalufka ku haysay ee Dhuxusha Shidi jirtay Guud ahaan Gobolku waa Gobol Qani ah Lagana maalgashan karo
1- maalgashiga Beeraha
2- Maalgashiga Kalluumaysiga
3- Maalgashiga Macdanta
4- Maalgashiga Xabkaha
5- Maalgashiga Dalxiiska.
6- Maalgashiga Dhaqashada Xoolaha
Waxaa Gobolka Dhibaato Badan u gaystay Argagixisada Shabaab waxaan Rajaynayaa ololaha soomaaliya oo dhan ka socda ee ah Dabargoynta Shabaab inay Gobolka soo Gaari doonto.
Gobolku wuxuu leeyahay Taariikh fac wayn Qormana aan lagu koobi karin intaasu waa intaan ku soo Arkay Milxo iyo agagaarkeeda.
Xigaho"Maxamed yuusuf tigey"

wax ka ogow dhaxa looya qaan dahab u eke ana hilidhoor waa dhagax ay walaalo yihiin Emeroolka waana isku adayg ka faa id...
15/01/2022

wax ka ogow dhaxa looya qaan dahab u eke ana hilidhoor waa dhagax ay walaalo yihiin Emeroolka waana isku adayg ka faa ideysi wacan

ogeysiis dhamaan macaamiisha shirkadda waxaa la ogeysiinayaa in ciwaankaasi been abuur yahay oo ayna shirkada Macdan Maa...
16/11/2021

ogeysiis
dhamaan macaamiisha shirkadda waxaa la ogeysiinayaa in ciwaankaasi been abuur yahay oo ayna shirkada Macdan Maal ayna lahayn.
waxaa fiican in uu qofku isku kalsoonaado oo uu magac samaysto waxay ina tusinaysaa in aanu isku kal soonayn oo wax uu leeyahay sameysan karin!!!

Address

City Mall
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 18:00
Tuesday 08:00 - 18:00
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 18:00
Saturday 08:00 - 18:00
Sunday 08:00 - 18:00

Telephone

+252619119262

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Macdan Maal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Macdan Maal:

Share