Somali Leadership TV

Directions Website

Somali Leadership TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Leadership TV, Business consultant, Maka Almukarama, Mogadishu.

Somali Leadership TV is a media platform focused on leadership, development, business, politics, and social issues in Somalia, showcasing interviews, community discussions, awareness programs, and inspirational content.

WARSAXAAFADEEDMusharaxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cismaan Maxamuud Caddaawe, oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka...
07/08/2026

WARSAXAAFADEED

Musharaxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cismaan Maxamuud Caddaawe, oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka taagan xuduudda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Muqdisho, 7 Agoosto 2026

Musharaxa Hoggaamiyaha Dowladdda Hirshabeelle, Cismaan Maxamuud Caddaawe, wuxuu aad uga xun yahay colaadda nasiib darrada ah ee ka dhex aloosan dadka walaalaha ah ee ku dhaqan xuduudda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray shacabka aan waxba galabsan.

Musharaxu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay si degdeg ah u joojiyaan xabadda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda. Dhiigga maanta daadanaya waa dhiig ay wadaagaan dad walaalo ah oo ay mideeyaan diin, dhaqan, deegaan iyo mustaqbal ay wada leeyihiin.

Waxaan ku baaqayaa in la hormariyo nabadda, wada hadalka iyo is-afgaradka, maadaama aysan jirin guul ka dhalata dagaal sokeeye, halka khasaaraha ugu weyn uu mar walba ku dhaco shacabka.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u bilaabaan dadaallo lagu kala dhex galayo bulshada, laguna xaqiijinayo xabbad-joojin degdeg ah iyo dib-u-heshiisiin waarta.

Hirshabeelle waxay ku dhisan tahay wadajir iyo walaaltinimo. Sidaas darteed, waxaa waajib inagu wada ah ilaalinta nafaha shacabka, xasilloonida deegaanka iyo adkaynta midnimada bulshada.

Ugu dambayn, waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu u naxariisto intii ku geeriyootay colaaddan, caafimaad degdeg ahna siiyo dhaawacyada, qalbigana isu soo dhaweeyo shacabka walaalaha ah ee colaaddani saamaysay.

"Hirshabeelle la wada leeyahay waa halka ay nabaddu xidid ku yeelato, caddaaladduna saldhig u noqoto, horumarkuna ka hanaqaado."

โ€” Dhammaad โ€”

Musharrax Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Isku Diiwaangeliyay Tartanka Guddoomiyaha Golaha ShacabkaMuqdisho โ€“ Musharr...
06/08/2026

Musharrax Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Isku Diiwaangeliyay Tartanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho โ€“ Musharraxa u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah isu diiwaangeliyay tartanka doorashada hoggaanka Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa aqbalay diiwaangelinta musharraxa, waxayna si rasmi ah ugu wareejiyeen shahaadada musharraxnimo, taas oo xaqiijinaysa inuu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay ka qaybgalka doorashada.

Isdiiwaangelinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka doorashada hoggaanka Golaha Shacabka, iyadoo musharraxiintu ay si tartiib tartiib ah isu diiwaangelinayaan ka hor maalinta codbixinta.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato jihada shaqada Golaha Shacabka iyo hannaanka sharci-dejinta dalka, iyadoo xildhibaannadu ay codkooda ku dooran doonaan hoggaanka cusub ee Golaha.




















04/08/2026

RW Xamze Barre ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey Munaasabadda Sanadguurada 1aad ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo u kala qeybgalay Shacabka iyo Masuuliyiinta Waqooyi Bari.

Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa sii xoojinaya ololihiisa doorashada ee magaal...
03/08/2026

Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa sii xoojinaya ololihiisa doorashada ee magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaadanaya xildhibaannada Golaha Shacabka iyo taageerayaashiisa.

Taageerayaasha musharraxa ayaa ugu baaqaya xubnaha Golaha Shacabka inay codkooda siiyaan Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, iyagoo aaminsan inuu leeyahay waayo-aragnimada, hoggaaminta iyo aragtida lagu horumarin karo Golaha Shacabka, laguna xoojin karo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

U codee Musharrax Sadaad Maxamed Nuur Caliyow Hoggaan, Hufnaan iyo Horumar

Waxaa si rasmi u furmay codeenta Abaalmarinta Somali Leadership Awards 2026.  waxa ay si siman ugu furan tahay dhammaan ...
01/08/2026

Waxaa si rasmi u furmay codeenta Abaalmarinta Somali Leadership Awards 2026. waxa ay si siman ugu furan tahay dhammaan Hoogaamiyayashaa kala duwan ee dal iyo dibad joogo kuwaasi oo wax u qabtay dadka iyo dalkeenna.

Abaalmarinta waxa ay mari doontaan habraacyo kala duwan kuwaasi oo ugu dambeyn qiimeen rasmi ah ku sameen doono guddi gaar ah. Waxaa si dhaw loola soo xiriiri doonaa shaqsiga ku soo baxo abaalmarintaasi.

Fadlan link-ga hoose ka dhiibo codkaaga adigoo u codeeynayo shaqsiyaad ama shirkadaha wax u qabta dadka iyo dalkeenna.

Abaalmarinta waxaa soo qaban-qaabiyey Somali Leadership Group.

Mahadsanidiin.

https://slawards.org/nominate-a-leader/

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalkeenna mudane Gamal M Hassan ayaa magaalada Beijing kaga qaybgalay munaa...
03/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalkeenna mudane Gamal M Hassan ayaa magaalada Beijing kaga qaybgalay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Jamhuuriyaradda Shacabka Shiinaha, iyada oo ay ka soo qeybgaleen masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha, safiirro, diblomaasiyiin, arday iyo marti sharaf kale oo ka kala socday ku dhowaad 80 dal.

Munaasabadda ayaa sidoo kale ahayd fursad lagu muujinayay horumarka sii xoogeysanaya ee xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, iyada oo sanadihii u dambeeyay ay sare u kaceen is-dhaafsiga ganacsiga iyo xiriirka dadka labada dal.

๐‘๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐’๐”๐‹ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐‡๐€ ๐—๐…๐’ ๐Ž๐Ž ๐—๐€๐‘๐ˆ๐†๐†๐€ ๐Š๐€ ๐‰๐€๐‘๐€๐˜ ๐–๐€๐ƒ๐ƒ๐Ž ๐‹๐€๐€๐Œ๐ˆ ๐€๐‡ ๐Ž๐Ž ๐‹๐€๐†๐€ ๐‡๐ˆ๐‘๐†๐„๐‹๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐ƒ๐„๐†๐Œ๐€๐ƒ๐€ ๐ƒ๐€๐˜๐๐ˆ๐ˆ๐‹๐„๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐‰๐ฎ๐ฎ๐ง ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Ra...
29/06/2026

๐‘๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐’๐”๐‹ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐‡๐€ ๐—๐…๐’ ๐Ž๐Ž ๐—๐€๐‘๐ˆ๐†๐†๐€ ๐Š๐€ ๐‰๐€๐‘๐€๐˜ ๐–๐€๐ƒ๐ƒ๐Ž ๐‹๐€๐€๐Œ๐ˆ ๐€๐‡ ๐Ž๐Ž ๐‹๐€๐†๐€ ๐‡๐ˆ๐‘๐†๐„๐‹๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐ƒ๐„๐†๐Œ๐€๐ƒ๐€ ๐ƒ๐€๐˜๐๐ˆ๐ˆ๐‹๐„

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐‰๐ฎ๐ฎ๐ง ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Isniinta maanta ah hoggaamiyay munaasabad xarigga looga jarayay waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 2 Kiiloomitir, taas oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ka hirgelisay degmada Dayniile.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa Raโ€™iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Md. Cabdimajiid Daahir Aadan.

Mas'uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsaday in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay tahay tiirka aas-aaska u ah koboca dhaqaalaha, horumarka bulshada iyo casriyeynta Caasimadda, iyagoo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go'an tahay sii ambaqaadidda hirgelinta mashaariicda istiraatiijiga ah ee lagu tayeynayo waddooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah, si loo xoojiyo isku socodka, loo dhiirrigeliyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga, loona xaqiijiyo horumar waara oo shacabka Gobolka Banaadir ay si siman uga wada faa'iideystaan.

Waddadan cusub ayaa wax weyn ka tari doonta fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isku xirka xaafadaha degmada, sare-u-qaadidda dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyo xoojinta horumarka kaabayaasha muhiimka ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku casriyeynayso waddooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee Caasimadda.

โ€“โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY ITOOBIYAAddis Ababa, Juun 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyad...
28/06/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY ITOOBIYA

Addis Ababa, Juun 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Itoobiya ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulan la yeelan doona Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐›๐š๐๐š๐ง  ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง Muqdisho, Sa...
20/06/2026

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง

Muqdisho, Sabti 20 Juun 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee Sannadka 2026 iyo Gunaanadka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay maalgashi xooggan ku sameysay waxbarashada iyada oo juhdi iyo dadaal badan galisay mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed iyo dhisamaha aqoonta, heerarkeeda kala duwan.

Mudane Xamsa ayaa xusay in himilooyinka Qarni-jirka ah ee Xukuumadda DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP-ay tiir dhexaad u yihiin horumarinta tayada waxbarashada dalka iyo casriyeynta nidaamyada iyo shuruucda kale ee dhanka Tacliinta ah.

โ€œWaxbarashadu ma aha wadada guusha oo kaliya ee waa halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda Qaranka Soomaaliyeed, waana tiir adag oo diinni ah kaasi oo in badan lagu sheegay Qurโ€™aanka iyo Sunnaha, waxa ayna ina tusinaysa mudnaanta ay leedahay in Ardayda wax la baroโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhiirrigaliyey Ardayda sannadkan galaysa Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada sare, in ay guul iyo natiijo wanaagsan ka gaaraan Imtixaanka, isaga oo bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Macallimiinta Soomaaliyeed iyo maamullada Dugsiyada dalka.

GUDDOOMIYIHII H**E EE GOLAHA SHACABKA OO XILKA KU WAREEJIYEY SII HAYAHA XILKA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA.Muqdisho, Soo...
20/06/2026

GUDDOOMIYIHII H**E EE GOLAHA SHACABKA OO XILKA KU WAREEJIYEY SII HAYAHA XILKA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA.

Muqdisho, Soomaaliya - 20 June, 2026: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii h**e ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyihii h**e ee Golaha Shacabka hoggaamintii hufneyd iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta shaqada Golaha muddadii uu xilka hayey, waxaana uu tilmaamay in Mudane Sheekh Aadan Madoobe uu door muhiim ah ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadista wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta nidaamka Golaha.

Dhankiisa, guddoomiyihii h**e ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddoonka Golaha iyo guud ahaan Xildhibaannada Golaha Shacabka wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka guddoomiyenimada hayey, Isagoo xusay in guulaha la gaaray ay ahaayeen kuwo ku yimid iskaashi, wadajir iyo dadaal ay si wadajir ah u muujiyeen dhammaan xubnaha Golaha.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ahna Siihayahaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa uga mahadcelisay guddoomiyihii h**e ee Golaha Shacabka shaqadii iyo hoggaamintii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, waxayna ku ammaantay dadaalladii uu ku bixiyey horumarinta Golaha Shacabka iyo kor u qaadista doorka Golaha ee geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sidoo kale xaqiijisay in guddoonka Golaha Shacabku sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Ugu dambeyn, guddoomiyihii h**e ee Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Siciid Maxamed Cadow oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo iyo maareynta maamulka iyo maaliyadda Golaha.

Address

Maka Almukarama
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Leadership TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share