Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir

Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Business Center, Mogadishu.

Banadir Chamber of Commerce is the voice of SMEs in Somalia and serves as the first point of business contact for pe*******on into new market and a vibrant platform putting forward facts-based opinions, suggestions and recommendations.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka banadir Mudane Ahmed Abdullahi Hassan ayaa magaalada kismaayo uga qey...
25/07/2024

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka banadir Mudane Ahmed Abdullahi Hassan ayaa magaalada kismaayo uga qeyb galay daahfurka hanaanka diiwaangalinta Ganacsiga soomaaliyeed oo ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS magaaladda kismaanyo ee caasimadda Jubaland ka daah-furtay, Hanaanka Diiwaangalinta Ganacsiga Soomaaliyeed,

munaasabaddani ayaa waxa ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad goballeedyada dalka, Xildhibbaano katirsan Dowladd Goboledka, Jubaland, Guddomiyaasha Rugaha Ganasiga Dawlad goboledyada oo uu hogaaminaayo Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Dowlad goboledka Jubaland, bulshada rayid ah iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Hanaankan, ayaana wax weyn ka taraya fududeynta ganacsiga dalka, waxaana uu qofka ganacsadaha ah u fududeyn doona in isaga oo xafiiskiisa jooga uu si onlayn ah ku diiwaangashan karo ganacsigiisa. hanaankan oo markii h**e ku koobnaa heer Federaal, ayaa wuxu Jubaland siin doonaa fursad kale oo iyaguna ay ka qaataan doorkooda diiwaangelinta ganacsiyada.



DHAMAAD

Muslimiinta caalam-ka meel walboo ay joogaan waxaan ugu hambalyey-nayaa munaasibada farxada ciida soon fur si gaar ah sh...
09/04/2024

Muslimiinta caalam-ka meel walboo ay joogaan waxaan ugu hambalyey-nayaa munaasibada farxada ciida soon fur si gaar ah shacabka Soomaaliyeed

Allha naga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee aan la nimid bishii barakeysneed ee ramadaan sanadka xiga iyo sanado badan oo kalena allha nagu gaarsiiyo xasilooni, nabad, midnimo iyo barwaaqo.

Farxad ku ciida.

26/01/2024
Munaasabadda daahfurka dhoofka hilibka Soomaaliya ee dalka Sucuudiga ayaa lagu qabtay caasimada dalka ee  Mogadishu, mun...
13/06/2023

Munaasabadda daahfurka dhoofka hilibka Soomaaliya ee dalka Sucuudiga ayaa lagu qabtay caasimada dalka ee Mogadishu, munaasabadaan oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS iyo Shirkadda Hilibka Soomaaliya (Somali Meat Company), ayaa lagu qabtay magaaladda Mogadishu.

waxaana kasoo qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Xannaanada Xooloha, Dirta iyo Daaqa, Xubno katirsan Golaha Barlamaanka, Safiirka Dalka Sacuudiga, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.

Xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxaa maanta lagu soo gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu...
09/05/2023

Xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxaa maanta lagu soo gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka. Kulankaan ayaa salka ku hayay canshuur kordhin lagu sameeyay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dakadda magaaladda Muqdisho.

Gudi ka kooban waaxaha kala duwan ee ganacsiga dalka iyo Rugta ganacsiga oo loo xilsaaray xalinta arimaha canshuuraha ayaa laga dhageeystay warbixino iyo ga’aankii ay kaso qadeen maxada sare oo uu ugu h**eeyo Madax weyne Dr Xasan Sheikh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya. Dhamaan ganacsatadii kulanka kaso qayb gashay ayaa muujiyay in ay ku qanacsan yahiin go’aanka Rugta Ganacsiga iyo Gudigu u soo qadeen ganacsatada.

Ugu danbeyn maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo u hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo qaar kamid ah Ganacsatadii kulanka ku sugneed ayaa go'aan ku gaaray fulinta go’aanadii gudigu ay isla soo gaareen madaxda qaranka.

DHAMAAD

Gudoonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayaa xarunta dhaxe ee rugta ganacsiga kulan kula qaatay, G...
08/05/2023

Gudoonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayaa xarunta dhaxe ee rugta ganacsiga kulan kula qaatay, Gudiyo ka kooban waaxaha kala duwan ee ganacsatada soomaliyeed.

Gudigaan ayaa waxaa soo xushay ganacsatada dhoofka, soodajinta iyo qaybaha kale ee ganacsatada dalka, kulankaan ayaa salka ku hayey sameynta tabban ee canshuurahu ay kuyeesheen ganacsiga dalka. Ugu danbeyntii maamulka Rugta Ganacsiga iyo gudiga ganasatadu soo xusheen ayaa isku af gartay in gudi loo saro arintaan si ay uga soo talabixayaan.


DHAMAAD

Abdiwahid Ahmed Caad

Waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa Hambalyada Ciidul fitriga, waxaan Allaah ka baryaynaa in uu naga aqbalo cibaad...
20/04/2023

Waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa Hambalyada Ciidul fitriga, waxaan Allaah ka baryaynaa in uu naga aqbalo cibaadadii bisha Soon-qaad.

Fadliga iyo farxadda Ciidda awgeed waxaan ku baaqayaa in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, is caawiyaan, gaar ahaan aad loo badiyo sadaqada iyo garab istaaga danyarta.

اللهم امنن علينا برحمتك ولطفك، اللهم تقبل منّا صالح الأعمال واجعلها خالصة لوجهك الكريم يا أرحم الراحمين.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugt...
29/03/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin (Gabeyre) ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Horumarrinta Magaalada Muqdisho.

Kulankaan lagu saxiiyay heshiiska is afgaradka ah, ayaa waxaa goob joog ka ahaa
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdullahi Xassan (Shariif Carre)
Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Gudoomiye Ku xigeenka Rugta Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam, Gudoomiyaha Suuq Bacaad Mudane Yusuf Wehliye iyo qaar ka mida ganacsatada gobolka Banaadir,

●DHAMAAD●

✍ Abdiwahid Ahmed Caad

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Ahmed abdullahi hassan (Shariif Carre). ayaa ka qeyb galay daahfurk...
02/03/2023

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Ahmed abdullahi hassan (Shariif Carre). ayaa ka qeyb galay daahfurka bandhig carweedka warashadaha dalka, oo ka furmay muqdisho. Bandhigaan waxa uu soco doona mudo labamaalmooda 1 ilaa 2 match 2023.

Bandhig Carweedkaan waxaa lagu soo bandhigayaa wax soo saarka Warshadaha dalka ka dhisan ee sifeeya miraha dalagga dalka ka soo go'a.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee warshadleyda ah ayaa dadaal ugu jira, in laga kaaftoomo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha lasoo bandhigay.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre ayaa daahfuray bandhiga, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddiyadda Warshadaha iyo Ganacsiga Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo daneeyeyaal kale.


"Dhamaad"

Gagaasim Abdiwahid Ahmed Caad

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka banadir mudane Ahmed Abdullahi hassan (Shariif carre) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iy...
14/02/2023

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka banadir mudane Ahmed Abdullahi hassan (Shariif carre) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) Guddoomiye Ku xigeenka Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam (Galambi) Gudomiyaasha suuqyada Bakaaraha, Suuq-bacaad iyo qaarkamid ah ganacsatadda dhoofka badeecadaha iyo soodajinta, ayaa kulan la yeeshay, masuuliyiinta Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo ay hugaamineyso, Mareeye kuxigeenka ahna kusimaha Mareeyaha Hay-adda tayadhowrka Soomaaliyeed Marwo Xawo Axmed Xasan.

Masuuliyiinta Hay’adda tayadhowrka ayaa soo bandhigay habraacyo cusub oo ay tahay iney raacaan ganacsatadu marka ay dhoofinayaan ama ay soo dhoofsanayaan badeecadahooda.

Ugudambeyn xogo iyo arragtiyo kala duwan oo leys dhaafsaday ka dib, waxaa kulankii ku soo dhamaaday isfaham iyo wadashaqeyn.

09/02/2023

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banadir, mudane Ahmed abdullahi hassan ayaa bogaadiyey gudiga xog uruurinta, dabkii ka kacay suuqa bakaaraha.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed in ay isku gurmadaan, lana shaqeeyaan gudiga ay Rugta Ganacsigu u xilsaartay howlahaas.

Bandhiga suuq-weynaha muqdisho oo ka qabsoomay beerta banadir, ayaa maanta lagu qabtay muqdisho.Bandhigaan oo ujeedkiisu...
08/02/2023

Bandhiga suuq-weynaha muqdisho oo ka qabsoomay beerta banadir, ayaa maanta lagu qabtay muqdisho.

Bandhigaan oo ujeedkiisu yahay dhiirigelinta ganacsatada soomaliyeed iyo dhalinyarada hal-abuurka leh, ayaa maalintiisii koowaad waxa daah-furay gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale
(madaale) waxana ka soo qeyb galay gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka banadir, gudoomiyaha rugta ganacsiga soomaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatadda soomaaliyeed.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252615504073

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share