15/01/2023
Ganacsiga: Muxuu ku taajiray ninkii alwaaxa ku seexanayay
Mathias wuxuu 12 isbuuc seexanayay kabar alwaax ka sameysan
Barnaamijka toddobaadlaha ah ee la yiraahdo "The Boss" waa musalsal ay BBC-du uga hadasho taariikhda ganacsatada heerka sare gaaray. Isbuucan waxaan la hadalnay Mathias Mikkelsen, oo ah ninka aasaasay shirkadda laga leeyahay dalka Norway ee lagu magacaabo Memory.
Mathias Mikkelsen wuxuu aad ugu dadaalayay inuu dhiso ganacsigiisa, intii uu arrintaas ku gudajirayna wuxuu xitaa meel alwaax ah seexanayay muddo saddex bilood ah.
Dabayaaqadii sanadkii 2013-kii, isagoo markaas ahaa 23 jir, ganacsadahan wuxuu si iskiis ah u go'aansaday inuu ka tago Norway, uuna aado magaalada Silicon Valley ee gobolka California, Mareykanka.
Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu taageero u helo sidii uu u billaabi lahaa fikraddiisa ganacsiga, taasoo ahayd barnaamij online-ka ku shaqeeya oo kuu sahlaya inaad wakhtigaaga maareysid(Timely).
Laakiin markaas waxaa jiray hal dhib oo weyn, oo heystay ninkan u dhashay dalka Norway.
Ma jirin hal ruux oo uu ka yaqaannay ilaa magaalada weyn ee San Francisco.
"Xilligaas, ma jirin qaab shirkad tiknoolojiyad ah looga hirgaliyo dalka Norway, marka waxaan go'aansaday inaan aado Silicon Valley - oo ah caasimadda tiknoolojiyadda ee adduunka - arrintaasna waxaan u maleynayay inay tahay tallaabada ugu fiican ee aan qaadi karo", ayuu yiri Mathias.
"Laakiin qofna k**a aqoonin halkaas. Sidaas darteed, markii aan diyaaradda ka dagay, indhaha ayaan kala furay, waxa ugu horreeyay ee aan doonayay inaan sameeyana wuxuu ahaa sidii aan saaxiibbo u yeelan lahaa. Ka dib waxaan garwaaqsaday in sida ugu habboon ee saaxiib lagu sameysto ay tahay in dad lagula kulmo goobaha waxbarashada ama shaqada, anigana markaas uma soconin waxbarasho iyo shaqo toona".
Mathias Mikkelsen