Shirkadda ganacsiga e Jubba Trading Transportation and Construction Company

  • Home
  • Somalia
  • Mogadishu
  • Shirkadda ganacsiga e Jubba Trading Transportation and Construction Company

Shirkadda ganacsiga e Jubba Trading Transportation and Construction Company Jubba Trading, Transportation and Construction Company has been founded by shared persons, businessm Jubba Trading Transportation and Construction Company

01/01/2023
08/12/2022

AAMINAADA GURRACAN (TABAN).
==============================

Culimada ku takhasustay maskaxda aadanaha, waxay ku qiyaasaan in qofka maalintii inay
soo marto 160 kun oo fikradood, 80% ka mid ah waa fikrado gurracan ama togan, oo qofka
dantiisa iyo maslaxadiisa ka soo horjeeda.

Akhriste, bal tusaalayaashan soo socda si qoto dheer u dhuux, si ay kuugu cadaato
caqabadaan dhibka badan ee bulshadeena ku habsatay asaageedna ka reebtay.

Sheekadii kabaha:

Waxaa jirey laba shirkadood oo ka ganacsada iibinta kabaha, waxay dirsadeen laba nin oo
usoo xog ogaada in suuq kabood uu leeyahay waddan ka mid ah waddamada adduunka.

Labadii nin markii ay tageen waddankii loo direy, waxay soo direen warbixin uu mid walba
ku cabbiraayo wuxuu ku soo arkay waddankaas loo direy, warbixintoodiina waxay noqotay
sidan:
1.Midkii 1aad wuxuu yiri: waxaan aad uga murugaysnahay waqtigii iyo kharashkii ku baxay
safarkayga, waayo wuxuu ahaa safar guul darro. Waxaan tagay waddan aan laga aqoon kabo
oo aysanba joogin cid kabo gashan, marka waxaan filayaa haddii aynu keeno kabo, in ay
inaku baarayaan, wax inaka iibsadana aynu waayayno.
2.Kii labaad wuxuu soo direy warbixintaan: Bishaaro Bishaaro Bishaaro, waxaan maamulka
shirkadayda ugu bishaaraynayaa in ay waddankaan taalo fursad weyn, waayo waxan soo
arkay dad aan haysan kabo, waxaanna rajaynayaa in la kala boobidoona markabkaan keeno, haddaba si dhakhso ah ha loo soo dadajiyo soo raridda markab dhan oo kaba ah.

Akhriste, waxaa is waydiin leh, maadaama labada nin isku waddan loo direy, isku hawl loo
direy, maxaa kala badalay warbixintooda? Muxuu ninba si ugu fasirtay kaba la’aantii ka jirtey waddankaas?
Sababtu waxa weeye, markii h**e ayaa ninna u arkay inuu yahay safarkani fursad dahabi ah
oo mar soo martay, ayna haboon tahay in laga faa’iidaysto, ninka kalena wuxuu u arkaayay in
safarkaan uu yahay lugooyo iyo waqti lumis.

Akhriste, nolosha adduunkana waa laba baal, natiijaduna waxay noqonaysa hadba qofku
baalkuu ka arko, hadba okiyaaluhuu gashado, hadduu okiyaale madaw gashado nolol mugdi
ah ayuu arkayaa, hadduu okiyaale cagaar ah gashadana dhul wada doog ah ayuu arkayaa.

17/08/2022

Hadii caqabaduhu kugu noqdaan sida birta adigu samayso aalad birta dhalaalisa

16/05/2022

Asc

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shirkadda ganacsiga e Jubba Trading Transportation and Construction Company posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shirkadda ganacsiga e Jubba Trading Transportation and Construction Company:

Share