Aaran market

Aaran market Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aaran market, Business service, Mogadishu.

30/12/2025

Appka mumtaaz Data waxaad ka heli kartaa dhamaan Shirkadaha bixiya internetka hada kala soo dag App store ka Ama play store ka wixii faafahin kala xiriir 611519751

Fahfaahin: Dagaalka ka socdo caawa magaalada Beledweyn ayaa u dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo sarkaal magaciisa la...
30/12/2021

Fahfaahin: Dagaalka ka socdo caawa magaalada Beledweyn ayaa u dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo sarkaal magaciisa la noogu sheegay Nuur Dheere.

Dagaalka oo sii xoogeystay ayaa ka socdo xaafadda Kooshin, waxeyna labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus.

Khasaaraha illaa hadda la ogyahay waa dhaawaca 7 qof iyo dhimashada 1 qof, waxaana aagga uu dagaalka ka socdo ka billaawday barakac.

Cali Aadan Muumin.

Business service

Xaalka madaxtooyada soomalaiye Iyo maantay  wadanka Dagaalmiyaa lagalinyaa
27/12/2021

Xaalka madaxtooyada soomalaiye
Iyo maantay wadanka Dagaalmiyaa lagalinyaa

War dhaw Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba u...
27/12/2021

War dhaw Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii h**e, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto.

Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa. Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka h**e dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xafiiska Rooble ayaa noo balan ah.

Business service

27/12/2021

Cabdiraxmaan Alcadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in isku day Afgambi uu wado Farmaajo, waa haddii ay u guuleysato.

Maalinta Biri waxaa Nairob kulan diimeed kuleh  Qaarka mid Ah culimada Somaliyed  waxana Ka.mid.Ah.  Sheekh Mustafa Xaaj...
25/12/2021

Maalinta Biri waxaa Nairob kulan diimeed kuleh Qaarka mid Ah culimada Somaliyed waxana Ka.mid.Ah. Sheekh Mustafa Xaaji Ismacil Haaruun, Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi iyo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti. Kula Ayaa socodono sedexmalin

Alle Naxariistiisa Janno haka waraabiyo Dr Maryan oo u geeriyootay dhaawac ay ugaysteen ciidamo ka tirsan dowladda .Drs ...
22/12/2021

Alle Naxariistiisa Janno haka waraabiyo Dr Maryan oo u geeriyootay dhaawac ay ugaysteen ciidamo ka tirsan dowladda .

Drs Maryan ayaa marka ay xabadda ku dhacaysay saarneed mooto bajaaj maraysay wadada foloransa ee degmada wartanabadda, ciidamada ayaana xabadda ku dhuftay xilli ay wadada oo jaam ahayd ku furanayeen.

Wali lama soo qaban ciidamadii dilay marxuumadda oo xiligaasi hoyaad u ahayd gurigeeda , waxeyna kamid noqotay dhalinyaro badan oo si xaqdaro ah loogu dilay wadooyinka magaalada Muqdisho.😭

Goorme dilalkaan xaqdarada ah ee loo gaysanaayo dadka indhaha u ah bulshada, misa tacsida iyo catowga ayaa sii wadeyna illa dhamaanteen nalaga aaso ?😭

Maalinkii 2-aad magaalada Boosaaso ee Isha dhaqaalaha Puntland ayuu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan ku...
22/12/2021

Maalinkii 2-aad magaalada Boosaaso ee Isha dhaqaalaha Puntland ayuu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan kuwa Puntland, Hubka culus ayay labada dhinacba isku adeegsanayaan.

Dadka ayaa inta badan h**ey uga qaxay Xaafadaha dagaalada, Hubka ayaa gaaraya goobo kabaxsan aaga dagaalka, iyadoo dadweynaha qaar ay xaafado cusub kabaxayaan.

Dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dhinacyada Ururada bulshada iyo waxgaradka oo ladoonayey in dagaal maanta looga baaqsado ayaa fashilmay, maadaama dhinacyada oo xalay aqbalay aroornimo h**e dagaalka bilaabeen.

Ciidanka dawladda ayaa u muuqda in ay qaadeen weerarka oo uu yahay maalinkoodii 2-aad ee furinta dagaalkan, gudaha magaalada

XIGASHO: PUNTLANDTIMES

Illo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in Agaasimaha Dibad joogga ah ee Hay'adda PSF Maxamed Amiin Cabdullahi uu iskaga ba...
21/12/2021

Illo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in Agaasimaha Dibad joogga ah ee Hay'adda PSF Maxamed Amiin Cabdullahi uu iskaga baxay gudaha magaalada Bosaaso, Xilli inta badan goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen Ciidanka PSF-ta.

Agaasimahaan Dibad joogga ah ee PSF Maxamed Amiin ayey xoguhu sheegayaan in uu ka niyad jabay rajadiisii ku aadaneed dhaqan gelka magacaabistii Madaxweynaha Puntland ee Saciid Deni.

Haddaba, Maxamed Amiin ma waxa uu qaadi doonaa waddadii Bashiir Goobe oo inta Taliska NISA loo magacaabay haddana tegi waayay xaruuntii hay'addaas? Aragtidaada.

Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka gobolka Banaadir ayaa muddo labo maalin ah howlg...
16/12/2021

Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka gobolka Banaadir ayaa muddo labo maalin ah howlgalo waxa uu ka wadaa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho kaas oo lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya oo lagu iibiyo qeybo kamid ah Muqdisho.

Howlgalkaan oo socday labo maalin waxa ay ciidanka ammaanka ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka koobnaa Calaq, Xashiish iyo Qamri, sidoo kale taliska qeybta guud ee Booliiska G/Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgaladaan.

La dagaalanka Maar-doorriyaha waxa uu faa'ido badan u leeyahay dadka isticmaala, deegaanka iyo bulshada la nool kuwa isticmaala, isagoo meesha ka saarayaa dhaca, dilalka iyo kufsiga ay geystaan kuwa maankooda dooriyay.

Address

Mogadishu

Telephone

+252618095156

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aaran market posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share