Markaska Hidda.

Markaska Hidda. Halkaan waxaan kusoo bandhigi doonaa wax walba oon oga qayb qaadan karno Horumarinta Qoyska iyoarimaha Haweenka.

Yes u can.
08/08/2017

Yes u can.

16/06/2017
02/06/2017

Ramadaan Mubaarak.

Walal aan ku kudadaalno Bishaan Barakaysan Sidaa uga faaiidaysan lahayn dhamaanteen inshaa Alaah.

Wadanka waxaa kajira hada ama kadilaacay cudurka cholera, hoyo iyo aabe abaayo iyo aboowe aan ku dadaalno Nadaafada guud iyo tan gaar intaba. Aan ku dadaalno nadaafada cuntada aanu cunayno iyo Biyaha aanu cabayno.

Mahadsanidiin

23/05/2017

In gabadh wax la baraahi waxay muhiim utahay:
1. Nafteeda
2. Reerkeeda
3. Bulshadeeda
4. Iyo Guuf ahaan deegaanka ay ku nooshahay.

Waa warshad soo saarta waxa aduunka ugu qaalisan.

Shaqada ugu badan ee warshada ka dhacda waa processing(product ) ama wixii lasoo saaray inla hagaajiyo si ay market ama suuq uyeeshaan.

Hooyaduna waxay hagaajin kusamaysaa ilmaha yar ee ay dhashay Alle kaalmadiisa iyadoo soo saaraysa maskax fiyoow qalbi caafimaad qaba oo isna beri wax toosiya ama wax toosisa.

Waa muhiim warshada nuucaasa iney waaci tahay yacni wax fahmayso kala garanayso wanaaga iyo xumaanta cilmiga iyo jahliga xaqa iyo baadilka si ay ukaashato warshadeeduna usoo saarto wixii ugu wanaagsanaa aduunka oo ah ubad wanaagsan.

Hadii ubad wanaagsan lahelo waxay noqonayaan dhalinyaro wanaagsan berina bulsho wanaagsan baa kasoo baxaysa.

Hadii aan ugudbo gunta hadalkayga waxay tahay in aanu kudadaalno waxbarista hablaha.

Waxay kusiinaysaa talo wanaagsan markaad murugsantahay.

Waxay kuu dajinaysaa maskaxda markaaa caraysantahay

Waxay kuu iftiiminaysaaa wadada toosan.

Way kugu dhiira galinaysaa waxaad ka baqato gaaristooda.

Way ku amaanta adoo mudnayn ku cafisaaa adoo ka caraysiiyay ku hanbalyaysaa gulgaaristaada kugu garab istaagtaa noloshaada.

Hooyadu waa lama huraaan.



.

Waa aqoon kororsi socday mudo saacado ah oo lo qabtay qaar ka mida walidiinta ku nool muqdisho gaar ahaan degmada hilwaa...
01/05/2017

Waa aqoon kororsi socday mudo saacado ah oo lo qabtay qaar ka mida walidiinta ku nool muqdisho gaar ahaan degmada hilwaa o ku saabsanaa sida lo hormarin karo nadaafada deegaanka iyo guryahaba iyo sidoo kale baraarujin dhanka cfmaadka hooyada iyo dhalaanka waxuu nogu qabsoomay si qurux bdn waxaana mahadaa leh alle ka sokow maamulka schoolka Abaal iyo dhaqaatiirti xubinta ka ahayd dugsiga ee bixinayay seminarkaas.
Mahadsanidiin

01/05/2017

Hablaheenu waa gobe
Aan hogaan ka dhiganoo
Hogaamiye udoorano

Hablaheenu waa gobe
Waa haldoorkii gushee
War ragow heshiis lagal

Bashiir M. Xersi

30/04/2017

Maansada saarka ah ee “Hooyadu waa lama huraan” waxaa si habboon oo hufan, oon hambayn lahayn, u hal-abuuray saaryahanka caanka ah, Eebbana hibada uu u siisay dhinaca saarka, ee Careys Ciise Kaarshe

1. Ha’ looxaa lagu dhigaa
2. Higgaad waa la akhriyaa
3. Hagaag waa loo socdaa
4. Hor waa loo sii hoydaa
5. Hadal waa la hindisaa

6. Ha’dii kale waxaan lahaa
7. Muddaan uurka hurrudnoo
8. Culays bey hayn jidhoo
9. Talaabtey la hakatoo
10. Xanuun bey la hingateye
11. Hooyadu waa lama huraan

12. Ha’dii kale waxaan lahaa
13. Habeen goor uu bartamay
14. Caanihii bey nagu habtoo
15. Horaadkey noo dhigtoo
16. Dharkii bey na huwiseye
17. Hooyadu waa lama huraan

18. Calooshaadoon hif oran
19. Adiga oon ka haqab bi’in
20. Hunguri ma haweeysatee
21. Hooyadu waa lama huraan

22. Habaaq goor aad tahayo
23. Talaabta aan la holi karin
24. Adoo ciiddii hambaday
25. Dhaqsaba waa ku hinjisaye
26. Hooyadu waa lama huraan

27. Afkaa aan ku hadalniyo
28. Hannaankeeniyo hub-qaad
29. Hagaag bey noo bartaye
30. Hooyadu waa lama huraan

31. Innaga oon haybad qabin
32. Hal beesa aan suubsan karin
33. Habaaskeey naga huftoo
34. Waa tii noo hiilisaye
35. Hooyadu waa lama huraan

36. Sidaanaan halis u gelin
37. Hungurigay suubisaa
38. Dhaqsaba hoo nama dhehdee
39. Intii ey ka hubsataa
40. Iyada yaa ku hormartee
41. Hooyadu waa lama huraan

42. Reerku hadduu yahay hayaan
43. Hayiinka aan saaran nahay
44. Hogaankeey haysatoo
45. Hoosbey kaala hadashoo
46. Intii aad ka huruddaa
47. Waa kuu heestaa haddane
48. Hooyadu waa lama huraan

49. Cilmiga shiikh ku hormariyo
50. Nin haamaan ah iyo hanad
51. Iyadaa soo hayn jidhaye
52. Hooyadu waa lama huraan

53. Haddii loo baahdo hiil
54. Geesiga loo habar wacdiyo
55. Fuleyga aan haadka hubin
56. Iyadaa soo hayn jidhaye
57. Hooyadu waa lama huraan

58. Deeqsi aad soo haybsatoo
59. Hamuuntii kaa ba’shiyo
60. Bakhaylka aan kula hadleyn
61. Iyadaa soo hayn jidhaye
62. Hooyadu waa lama huraan

63. Aabbuhu waa hawsha guud
64. Ayuna hoos bey hayaan
65. Habayntii guriga iyo
66. Hoygii bay noo huftaye
67. Hooyadu waa lama huraan

68. Geed yare kaa hooshay meel
69. Haddii aad ‘haah’ dhahdaa
70. Hubkii bey ka handaddoo
71. Iyada oon hagar lahayn
72. Haw waa tii soo dhahdee
73. Hooyadu waa lama huraan

74. Odagu waa haajiraa
75. Hawuu meel ugu kacaa
76. Hadduusan mawtku helin
77. Hortaadey taagan tehe
78. Hooyadu waa lama huraan

79. Habeenkaad soo dhaxdaa
80. Hurdada aad uma heshoo
81. Qalbiga waa ka hammidoo
82. Hilow bey kuu qabtaye
83. Hooyadu waa lama huraan

84. Horey adigoon ahayn
85. Dadkii bey u hanjabtoo
86. Halyeey beey kaa dhigtoo
87. Ammaan bey ku huwisaye
88. Hooyadu waa lama huraan

89. Abaarta hawaarsatiyo
90. Harraad meel loogu go’ay
91. Heyhaata uu dhaanku yahay
92. Cirkuna haawanahayaa
93. Halihi ey soo heshaa
94. Haddey hoo inna dhehdaa
95. Innaga oon soo hambeyn
96. Waatii aan heensannoo
97. Hamuunteedii horiyo
98. Dhib bey la hagoogateye
99. Hooyadu waa lama huraan

100. Sidii awr haamma wada
101. Dusheedaan halabsannoo
102. Hah goortaa nama dhahdee
103. Waa noo sii hoorsateye
104. Hooyadu waa lama huraan

105. Marada ay nagu hantiday
106. Haddaan hoos uga dhacnaa
107. Wadnihi bey ka hinqatoo
108. Calooshey ka halcateye
109. Hooyadu waa lama huraan

110. Alaabta horteeda taal
111. Haddaad laad ku hurguftaa
112. Habaar weyn kuma dhahdee
113. Inyar bey ka hifataye
114. Hooyadu waa lama huraan

115. Hilowlaha eey dhashaa
116. Haddii meel laga hayaa
117. Asuu haaraa habeen
118. Waa tii hoogeysatoo
119. Ilmadu ey hibitiqdee
120. Hooyadu waa lama huraan

121. Haddaan been lagu hadleyn
122. Wadnaha hawdiisa iyo
123. Halbowlaha dhiigga wada
124. Hareer baa laga dhigoo
125. Halkeey joogaan iyagu
126. Yaa loosoo wada hoydaye
127. Hooyadu waa lama huraan

128. Hantida aad leedihiyo
129. Wixii aad haabataa
130. Haddii loo siiyo hibo
131. Abaalkood lama helee
132. Hooyadu waa lama huraan

133. Heddaadu haddey gashaa
134. Hog goortii lagu dhigoo
135. Wadaadduhu kula hadlaan
136. Aabbaha looma hal wecee
137. Waxaad tahay inna-heblee
138. Hooyadu waa lama huraan

139. Adduunyadu waa haween
140. Halkaa laskuma hayee
141. Nindoonaba ha hadlee
142. Hooyadu waa lama huraan

143. Hirar gaagaaban iyo
144. Hawada yaan ka hadlayaa
145. Waxba anigoon hambeyn
146. Hubaashiina aan hayaa
147. Hooyadu waa lama huraan

148. Hanfada ruuxii noqdaa
149. Hawraar kaama hantiyee
150. Waxba anigoon hambeyn
151. Hubaashiina an hayaa
152. Hoyadu waa lama huraan

25/04/2017

Hidda waa machad utaagan horumarinta qoyska iyo arimaha Haweenka.
Waxaan ka shaqayndoonaa Horumarinta Qoyska iyo arimaha Haweenka inshaa Alaah.

Nagu soo biir lana wadaaag asxaabtada si aad noola socotid.

Mhdsanidiin.

.

Address

Mogadishu

Telephone

0618163114

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Markaska Hidda. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Markaska Hidda.:

Share