Hooyo Media

Hooyo Media TAQWALLAAH

ILAAHEEY SUBXANA WATACALAA Wuxuu Na Leeyahay Isugu Kaalmeeya Samaha Iyo ALLE Kacabsiga, Marka Walalayaal Barakallaahu Fiikum Aan Isugu Kaalmayno Labadaas Shay Oo Aadka Muhiimka U Ah Oo RABIGEEN SUBXANA WATACALAA Inoogu Yeeray.

21/04/2026

Wisdom of the day โค๏ธ๐Ÿ›‘โ™ฅ๏ธโค๏ธ
Xikmada maanta โค๏ธ๐Ÿ›‘โ™ฅ๏ธโค๏ธ

21/03/2026

๐Ÿคฒ ILAAHOOW RABBIYOOW jacayl xalaal ah nagu arzaaq โค๏ธโค๏ธโค๏ธ

30/10/2025

Majiro Qof dunida jooga oo ka qaymo badan

HOOYO MACAAN.

15/09/2025

ุงู„ู’ุญูŽู…ู’ุฏู ู„ูู„ู‘ูŽู‡ู ุฑูŽุจู‘ู ุงู„ู’ุนูŽุงู„ูŽู…ููŠู†ูŽ

ILAAHOOW RABBIYOOW mahadsanid mar walba.

๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐˜†๐—ด๐—ถ๐—ถ & ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—จ๐—ด๐˜‚ ๐——๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐˜† (Waxaa qoray Shahiid Anas Jamaal Al-Shariif, 06.04.2025)Wuxuu ku bilaabay: ...
22/08/2025

๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐˜†๐—ด๐—ถ๐—ถ & ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—จ๐—ด๐˜‚ ๐——๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐˜†

(Waxaa qoray Shahiid Anas Jamaal Al-Shariif, 06.04.2025)

Wuxuu ku bilaabay: [๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ, ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—œ๐˜€๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—น ๐—ธ๐˜‚ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ถ ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐˜€๐—ถ๐˜€๐—ผ ๐—ฐ๐—ผ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ๐˜†๐—ด๐—ฎ!

Salaan ka dib.

ILAAHEEY waa og yahay in aan awood iyo dedaal kasta aan leeyahay ku bixiyay sidii aan ugu ahaan lahaa garab iyo cod u hadla dadka aan ka soo jeedo, tan iyo markii aan ku kacaamay oo aan ku indha kala qaaday nolosha iyo xaafadaha Xeryaha Qaxootiga ee Jabaaliya. Rajadaydu waxay ahayd in ILAAHEEY cimrigayga dheereeyo si aan ugu noqdo aniga iyo qoyskeyguba deegaankeennii aan kasoo jeednay ee Asqalaanta gumaysiga ku jirta (Al-Majdal), balse qaddarka Ilaahay ayaa horreeyay, xukunkiisuna waa fulay.

Waxaan la noolaaday xanuun nooc kasta uu yahay, waxaana dhadhamiyay murugo iyo khasaare tiro badan. Si kastaba ha ahaatee, waligay k**a aan daalin u gudbinta runta iyo xaqiiqada sida ay ahayd, iyada oo aan waxna lagu darin, waxna laga dhimin xaqiiqda. Ilaahay haka noqdo markhaati kuwa naga aamusay, kuwa aqbalay in nala laayo, kuwa nafteenna goโ€™doomiyay, oo aan dheg jalaq noo siin, isl markaana aysan dhaqaajin qalbigooda xasuuqa carruurteenna iyo haweenkeenna; kuwa aan joojin xasuuqa ku socda shacabkeenna muddo ka badan sanad iyo bar.

- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ Falastiin, taajkii Muslimiinta, iyo wadnaha qof kasta oo xor ah ee dunida ku nool.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ dadka reer FALASTIIN iyo birmagaydadeeda dulman, kuwaas oo aan noloshu u saamixin in ay ku noolaadaan riyadooda; nabad iyo ammaan, waa dadkaas jirkoodii daahirka ahaa lagu gumaaday kumannaan tan oo bambooyin iyo gantaallo Israaโ€™iil leedahay, kuwaas oo jirkoodii ku firdhay oo sayrmay darbiyada.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ in aydaan aamusin oo uusan dabar idin xirin, xuduudna aysan idin celin; noqda buundooyin loo maro xoreynta dhulkeenna iyo dadkeenna, ilaa qoraxda karaamada iyo xorriyaddu ay kasoo baxdo dhulkeenna gumaysan ee la haysto.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ehelkayga in aad u wanaagsanaataan.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ indhahayga, GABADHAYDA qaaliga ah Shaam, oo aanan u helin maalmo igu filan, waayuhuna igu sugin in aan arko iyadoo kortay sidii aan ku riyoon jiray.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ WIILKAYGA qaaliga ah Salaax, oo aan rabay in aan ugu noqdo garab iyo saaxiib socdaalkiisa nolosha, ilaa uu xoog yeesho, si uu iila qaybsado culayska, fariintana uu dhammaystiro.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ HOOYADEEY aan jeclahay, oo barakada ducadeedu aan ku gaaray heerka aan maanta joogo, ducadeeduna ay ii ahayd gaashan iyo nuur jidka ii iftiimya. Waxaan ILAAHEEY ka baryayaa in uu qalbigeeda adkeeyo, kuna abaalmariyo ajar weyn.
- ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ sidoo kale wehelkaygii nolosha, xaaskayga qaaliga ah Ummu Salaax Bayaan, oo dagaalku na kala fogeeyay maalmo iyo bilo badan, hase yeeshee adkaysatay, ballantii ku sugnayd, adkaysigeeduna uu la mid ahaa jirrid geed saytuun ah oo aan liicin, waxay yeelatay samir iyo sabir, waxayna u qaadday masuuliyaddaydii xilligii aan ka maqnaa si geesinnimo iyo iimaan leh. Waxaan idiin dardaarmayaa inaad dhammantood u noqotaan garab, ILAAHEEY ka sokow.

Haddii aan dhinto, waxaan dhimanayaa aniga oo ku sugan mabdaโ€™a, ILAAHEEYNA waxaan u qirayaa in aan ku qanacsanahay qaddarkiisa, ku faraxsanahay la kulankiisa, oo aan yaqiinsanahay in waxa ILAAHEEY agtiisa yaalla ay ka khayr badan yihiin waxa adduunka oo idil yaal, oo ay waarayaan.

ILAAHOOW iga yeel shahiid, oo ii dhaaf dambiyadaydii h**e iyo kuwa dambe, dhiiggaygana ka yeel nuur u ifiya shacabka iyo ehelkayga iyo shacabkayga jidka xorriyadda.
Isoo cafiya oo i saamaxa haddii aan idinka gaabiyey, oo iigu duceeya naxariista ALLE, anigu waxaan ku taagnaa ballankii, waxna k**a beddelin.

๐—›๐—ฎ ๐—ถ๐—น๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜„๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ป๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐˜‡๐—ฎ!
Hana iga illaawina aniga inaad ALLE iiga baridaan naxariis iyo aqbalaad.]
W/T: Aadan-Badiic

07/08/2025

ู‚ูŽุงู„ูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุจููŠู‘ู ๏ทบ: ู…ูŽู†ู’ ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุนูŽู„ูŽูŠู‘ูŽ ุตูŽู„ุงูŽุฉู‹ ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ุจูู‡ูŽุง ุนูŽุดู’ุฑุงู‹.

Wuxuu yiri Rasuulku S.C.W (qofkii igu saliya hal mar, ILAAHEEY ayaa ku saliya toban jeer).

Aan badino saliga Xabiibkeena suuban Muxammad ๏ทบ.

06/08/2025

ILAAHOOW RABBIYOOW xuskaaga inoogu kaalmeey

05/08/2025

ุงู„ู„ู‡ู… ุงุฑุฒู‚ู†ุง ุญุจ ุงู„ู‚ู€ู€ู€ู€ุฑุขู†ุŒ ูˆุญู€ู€ูุธ ุงู„ู‚ู€ู€ู€ุฑุขู†ุŒ ูˆูุถู„ ุงู„ู‚ุฑุขู†ุŒ

ุงู„ู„ู‡ู… ุงุฑุฒู‚ู†ุง ุชู„ุงูˆุชู‡ ุขู†ุงุก ุงู„ู„ูŠู„ ูˆุฃุทุฑุงู ุงู„ู†ู‡ุงุฑ.

ุงู„ู„ู‘ู‡ูู€ู…ู‘ูŽ ุฅุฌู’ู€ุนูŽู„ูŽ ุงู„ู‚ูุฑู’ุขู† ุฑูŽุจููŠู€ุนูŽ ู‚ูŽู„ูˆุจูู€ู†ุงุŒ ูˆูŽู†ูˆุฑูŽ ุตู€ุฏูˆุฑูู†ุง

01/08/2025

Waxa inoo wanaagsan ALLAHA ina wafajiyo walaalayaal โค๏ธโค๏ธโค๏ธ

Address

Mogadishu
ALLEKACABSIGA

Telephone

+252616354367

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hooyo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hooyo Media:

Share