27/12/2022
Shirkadda Express Engineering waxay kuu qabanaysa baaritaanada biyaha [ Hydrogeological and Geophysical Survey ] oo ah baaris lagu samenaayo biyaha dhulka hoostiisa ku jira (Under-ground water) iyadoo la adeegsanaayo qalab casri ah ee ugu danbeeyay dunida hadda. Waxay shirkadda xog dhammeestiran kaa siinaysaa inta mitir uu ceelka noqonaayo [Depth of Borehole] ,inta biyo mareen/galeen [ Aquifer ] ama biyo uu ceelka leeyahay sidoo kale biyaha qaraar iyo kuwa macaan [Fresh / Salty Water]. Sahminta biyaha waxay muhiim u tahay howsha ceel qodista si loo kala ogaado in laheli karo biyo ku filan dadka iyo duunyaduba oo macaan. Biyo baaristu waa sababta kaliya ee uu qofka uga hortagi karo qasaaraha badan ee lala kulmo marka ceelka la qodo kadib. Shirkadda waxay kuu samaynaysaa dhammaan noocyada kala duwan ee biyo baaris ah sida:
1- Vertical Electrical Soundings [VES] 1D
2- Horizontal Electrical Soundings [2D ERT]
3- Horizontal Profiling Surveys
4- Well Logging Survey
Waxaynu biyaha ku baarnaa qalab kala duwan oo casri ah oo caalamkana lajaanqaadaayo, iyo softweeradii ugu danbeeyay ee lagu tarjumayay baaritaanada biyaha nooc waliba ah. Shirkadda waxaa kuugu diyaar ah injineero qibrad sare u leh shaqaday qabanayaan oo in ka badan 10 sano ku dhex jiray baaritaanada biyaha oo la talin buuxda kaa siin doono goobaha aad danayneyso in lagu sameeyo biyo baarista. Fadlan hadaad danaynayso inaad waxbadan ka ogaato adigoo qasaaro badan galin nala soo xiriir:
𝗘𝗺𝗮𝗶𝗹: 𝗲𝗲𝗰𝘀𝗼𝗺@𝗴𝗺𝗮𝗶𝗹.𝗰𝗼𝗺
𝗪𝗵𝗮𝘁𝘀𝗔𝗽𝗽: +𝟮𝟱𝟮𝟲𝟭𝟰𝟰𝟭𝟳𝟮𝟳𝟬
, , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , Geology Page Geophysics