05/03/2018
Waa casharkeenii 7aaad ee cilmiga nafta iyo nolosha aqoon wacan
Fahanka nolosha guud waxay u baahantahay inaad fahanto aragtida ku salaysan waa maxay nolosha guud? aadanaha marwalbo waxaa la soo deriso dhibaatooyin badan iyo qalallaad ka dhaca. Waxaa macquul ah inaad leedahay saaxibo wanaagsan oo aad kala tashanayso dhibaatadaada haddii ay kula soo derisaan dhibaatooyinka soo wajaha nolol maalmeedkaada.
Inaad saaxiib yeelato, wali mid aad ku kalsoontahay waa muhiim, waxayna ku dhexelsiisaa inaad horumar ka sameyso xagga go’aan qaadashada. Hadana Halkaan waxaad ka helaysaa xikmado iyo talooyin kobcini kara garaadka dadnimadaada.
1: Sacaada ayaa la weydiiyey goormee timaadaa ? Waxay tiri : waxaan imaadaa marka ay nafsaddu garato inuusan ku dhacaynin wixii Alle u qoray maahane. Sacaadadu maaha inaad haysatid wax walba, hayeeshee qofku waxa uu siciid ku noqdaa waxwalba uu haysto..
2: Qaddarka oogidda salaaddaada iyo xifdinta wakhtigeeda ayaa diintaada u istaagaysaa, adduunyadaada hagaagsamayso, oog salaaddaada oo ku bishaareyso in waxwalba ay kuu fududaanayaan…
3: Haddii aad doonaysid inaad ogaato xaalka qabrigaaga sida uu noqonayo waxaad eegtaa xaalka qalbigaaga laabtaada ku jira..haddii qalbigaaga bilan yahay, qabrigaaga waa bilan yahay, haddii qalbigaaga ciriiri yahay qabrigaaga waa ciriiri, haddii qalbigaaga deggenaan iyo xasilooni ku jirto qabrigaaga deggenaan iyo xasilooni, haddii qalbigaaga sacaada ku nool yahay, qabrigaagana sacaada ayaa ugu noolaanaysaa, meel fog waxba haka raadin ee cibrada iyo halbeegga waa qalbigaaga, haddii qalbigaaga hagaagsan yahay jirkaaga waa hagaagayaa, haddii uu jirkaaga hagaagana qabrigaaga waa hagaagayaa..
4:Ma helaysid deggenaan, xasilooni, amni iyo raaxo ilaa salaadaha shanta ah wakhtigooda tukatid, waayo waxa ay ka mid tahay tiirarka sacaadada, albaabka liibaanta, iyo najaaxa, waddada guusha iyo buundada badbaadada.
5: Marka laga naaqishayo waxyaabaha aan qiimaha lahaynin waxay qaadataa wakhti badan, waayo dadka badankoodu waa yaqaanaan sida looga hadlo mas’alada laga hadlayo in ka badan waxa muhiimka ah. marka laga naaqishayo waxyaabaha muhiimka ah oo qiimaha leh inta badan dadka carrabkoodu ayey liqaan, waayo waxay u baahan tahay awood cilmi, farriidnimo gaamurtay iyo macluumaad waafi ah. Marka wax qiime leh oo kheyr ah ku hadal ama iska aamus…
6:Ha sugin cid waddo kuu furto si aad u marto, adiga furo waddadii mari lahayd, haddii aad weydid wadda aad furatid, adiga sameyso waddo, balse haddii aad ku jirto qolka oo aad tiraahdo wadda la maro malaha weligaa sidaasi ayaad ku heesi, marka h**e ka soo bax qolka oo dibadda imow oo eeg in ay waddada furan tahay iyo in kale..
7:Dhammaanteena ciid ayaa nalaga abuuray, ciid ayaana ku dul soconaa, ciidda hoosteeda ayaa la marayaa, mana jiro qof qof kale ka fadli badan, Alle ka dhowrsiga maahane. Qof walbana dadaalkiisa ayuu helayaa, adigana haddii aad meel is dhigto cid kale haku eedeynin, qof walba dadaalkiisa ayuu leeyahay, mirahiisana waad guranayaa…
8:Ka fogow malaha xun, waayo dhib ayuu keenaa.
Ka fogow shakiga, waayo burbur ayuu keenaa.
Ka fogow isbarbadhigga qof kale, waayo dulmi ayuu keenaa.
Ka fogow ammaanta laga badbadiyey waayo been bay keentaa.
Ka fogow namiimada waayo burbur bulsho ayey kentaa.
Ka fogow anaaniyadda waayo keligaa ayey kaa soo reebaysaa..
9:Allow shan ayaan ku weydiisanaynaa waxaana kaa rajeynaynaa inaad karamkaaga nagu siisid :
1- caafimaadqab aan ku xoojino Dhaacadaada.
2-Cibaado noo horseedda dembidhaafkaaga.
3-Waasicinta risqiga xalaalka ah.
4- Amni aan ku nabadgalno mowqifyada cabsida leh.
5-Sacaada aan tacaasa ka damebeynin, xumaan kastana naga ilaalisa…
10:Awooddaada shakhsiyeed si kasta oo ay u xoog badan tahay ama meel kasta oo ay gaarto waxaa jira goorwalba qof marka aad hortiisa ama horteeda soo istaagto aad daciif noqonayso mana aha casbi iyo dulinimo toona ee waa makaanadda sare sare ee qofkaasi qalbigaaga ku leeyahay lagana yaabee inuu istaahilo..