Farxad Qoys

Farxad Qoys Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Farxad Qoys, Consulting Agency, Mogadishu.

- Xarunta farxad Qoys
waxa ay shaqadeedu tahy Arimaha Qoyska waxa ayna bixisaa Tababar, Xirfado, Latalin Qoyska, Xarunta waxa ay fadhigeedu yahay Muqdisho, Somalia

06/01/2021

RAADKA AY DHALIISHA BADAN EE NINKU KU YEELATO XAASKIISA
===============

WAA QAYBTII LABAAD UGUNA DAMBAYSAY DABEECADIHIII IYO TILMAAMIHII XUMAA EE AY HAWEENAYDA QORAAGA AH EE MARIANNE REED SHEEGTAY IN CANAANTA IYO DHALIISHA BADAN EE SAYGU AY AFADA KU REEBTO.
--------------

3. WAXA AY RAADISAA KADIN AY KA FAKATO:
Afada canaanta iyo dhaliisha joogtada ahi ku dhacaan waxa ay mar kasta si nafsiya u dareentaa in ay u baahan tahay meel ay magangelyo ka hesho si ay uga nasato dhaliishaas. Waxa ay qaarkood isku mashquuliyaan la sheekaysiga haweenka la saaxiibka ah ama wax akhriska, waxaana dhici karta in ugu dambaynta samirkeedu dhammaado oo ay iskaga cararto xidhiidhka qoysnimo ee ninkaas.

4. DANAYN LAHAAN:
Muddo marka ay gabadhu la noolaato dhaliisha iyo canaanta soo noqnoqonaysa ee ninka, waxa ay marka dambe baranaysaa dabeecad ah in aanay dhegeysan warkiisa, iyo in ay iska joojiso muhiimadda ay marka h**e la lahayd dhaliishiisu. Waxa ay la soo baxaysaa dabeecad ninka ugu muuqanaysa danayn la’aan iyo in ay dhibsanaysaba ag jooggiisa. Taas ayaa haddii ay dhacdo iyaduna mar kale sii xumanaysa xidhiidhkooda qoysnimo.

5. KALSOONIDA OO LUNTA:
Dhaliisha iyo canaanta joogtada ah ee ninku waxa ay gabadha ka qaaddaa tamartii iyo doonistii ay u haysay nolol dhammaystiran. Waxa ay noqotaa shakhsi habsoobay oo isagu naftiisa quudhsanaya, waxaa ka luma doonista tijaabada waxyaabaha cusub iyo raadinta waayo-aragnimada ay nolosheeda ku sii horumarinayso.

6. QOF BAY KU TIIRSANAATAA:
Gabadha oo ay ka badato canaanta iyo dhaliisha ama quudhsiga ninkeedu waxa ay ugu dambaynta ku kalliftaa in ay si nafsiya ay gebi ahaanba isugu dhiibto ninka. Waxa ay aamintaa in Indhaha keliya ee ay leedahay, garaadkeeda fikir uu yahay ninkeeda, iyo in uu yahay tiirka keliya ee ay Alle sokadii ku tiirsantahay. Waxa ay noqotaa ruux aan awood u lahayn in ay waajibaadkeeda iskeed u gudato.

Waxaa ka lunta kalsoonida ay nafteeda ku qabto, markaas ayaa ay dib uga fadhiisataa dhammaan go’aamada nolosha iyo waajibaadka muhiimka ah ee ay kaalinta ka geysan lahayd, wax kastana ninka dhinaciisa ay u leexisaa iyada oo filaysa in uu isagu wax kasta si ceeb la’aan ah u dhammayn karo. Waa arrin qoyska jiritaankiisa iyo horumarkiisa dhibaato ku ah waana culays ninka dusha ka fuulaya oo uu ku qasbanaanayo in uu isagu xilka oo dhan dusha u rito, taas oo aanay suurtagal ahayn in uu waajibaadkaas sidooda u guto.

TALO:
----

SI JACAYL KU DHEEHAN YAHAY U DHALIIL
Lammaanaha waajibaadka culus ee u yaalla iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya ayaa qasab ka dhigaya in ay canaan iyo dhaliilo yimaaddaan. Laakiin habka loo marayo dhaliishaas iyo sida loo gudbinayo ayaa kaalin weyn ku leh isfahamka iyo midnimada lammaanaha. Waxaa muhiimadda koowaad ah in canaanta iyo dhaliisha lagu beego waqtiga ku habboon, loona dhigo sida ugu quruxda badan.

- Ninku waa in uu iska jiraa in uu xaaskiisa dhaliilo xilli ay ku jirto waqti adag ama duruuf kakan oo nafsadeed ama jidheed labadaba. Waa muhiim In lammaanuhu ay yeeshaan dood ama muran galaan iyada oo mid kastaa dhegeysanayo, isla markaana xurmaynayo afkaarta kan kale iyo aragtida uu kaga duwan yahay.

- Waxaa ninka la gudboon in aanu noqon ruux dhaliisha uun ku fooggan oo aan sheegin waxyaabaha dabcan badan ee kale ee ay gabadhu ku wanaagsantahay.

- Waxaa muhiim ah inta aanu dhaliil jeedin in uu xurmayn iyo qaddarin u muujiyo gabadha, waa haddii uu doonayo in gabadhu ay si fiican u aqbasho dhaliishaas iyo in aanu dhaawac nafsadeed iyo xanuun dhimir ku ridin xaaskiisa.

- In falka ay samaysay aad dhaliil iyo ceebayn dusha uga tuurto waxaa ka qurux badan in sida aad adigu jeclaan lahayd sheegto, tusaale ahaan, ‘Aniga haddii ay ahaan lahayd sidaas maan yeeleen, ee waxa aan samayn lahaa sidan..’ taas oo ah dhaliil dadban oo ay gabadhu ku fahmayso in aanu ninku la dhacsanayn falka ay ku kacday.

- Si kasta oo aad lammaane u tihiin waxa aad mar kasta niyadda ku haysaan xaqiiqada ah in qof kastaa uu masuul isagu ka yahay noloshiisa gaarka ah iyo doonistiisa, qof kastana Alle si gaar ah u abuuray, sidaas awgeed haddii aad mataankaaga dhaliilayso ereyada aad ku odhanaysaa ha noqdaan kuwo aad ka baaraandegtay si xikmad lehna aad u dooratay.

- In aad dhaliil jeediso waxaa ka qumman in aad talo iyo wax u sheeg u jeediso xaaskaaga.

DHAMMAAD

04/01/2021

6 Nooc buu u qaybiyey Sheekh Cabdiraxman Ragga.
Ee daawo una dhugyeesha Gabdhoo.

Talo Fiican
21/11/2020

Talo Fiican

10 DABEECADOOD OO UU NIN KASTAA JECLAAN LAHAA IN AY XAASKIISU YEELATO (Q.1aad)
===============

Waa ay dhacdaa in xidhiidh guur ku dambeeyaa uu ku bilowdo deymo iyo aragtida koowaad, laakiin waxa marar badan dhacda in guurku guuldarraysto haddii aanay lammaanuhu meelaha qaarkood ka midaysnayn ama arrimaha qaar aanay isku aragti ka ahayn. Waxaa iyaduna la mid ah haddii aanu lammaanaha midkood lahayn dabeecado iyo habdhaqanno kan kale si gaarah u jecelyahay.

Shabakadda internet ka ee ‘Her Beauty’ ayaa faafisay warbixin ay ku soo bandhigtay toban ka mid ah tilmaamaha uu nin kastaa nafsad ahaan ama dareenka hoose ee niyaddiisu isaga oo aan qurux eegin jeclaan lahaa in ay xaaskiisu yeelato. Waxaa ka mid ah tilmaamo laga yaabo in qofku uu dareemo in aanay wax xidhiidh ah la lahayn dareenka caashaqa iyo xidhiidhka lammaanaha, laakiin haddana la ogaaday in ninku uu ku xiiseeyo dumarka.

1. GABADHA DHIIRRAN

Raggu waxa ay jecelyihiin dumarka nolosha sida ugu dhammaystiran uga noolaada, taas oo ay ka mid tahay in ay xitaa diyaar u tahay in ay u badheedho waayo iyo duruufo ku cusub, in aanay ka baqan khatarta iyo dhiirranaanta qaarkeed. Tusaale ahaan gabadha ku dhici karta in ay gasho ciyaaraha dalladda lagaga boodo diyaaradaha iyo buuraha dhaadheer. Waa sababtaas ta inta badan ay raggu xiise iyo dareen kalgacal oo gaar ah ugu eegaan dumarka caanka ah, gaar ahaan dhinaca isboortiska iyo waxyaabaha adkaysiga iyo miidaamada u baahan.

2. GABADHA FAHMADA BADAN

In lammaanaha qoyska ahi marar badan is khilaafaan waa arrin iska dabiici ah, laakiin mucangagnimada midkood lagu arkaa waxa ay keentaa niyadxumo iyo khilaaf burbur horseedi kara.
Culmimada cilmiga bulshadu waxa ay sheegaan in raggu ay dabeecad ahaan si gaar ah u xiiseeyaan dumarka awoodda wadaxaajood leh, mar kasta oo ay wax tirsanayaan ama laga tirsanayana ku dhaca u leh gartan iyo in ay dooddeeda dhiibato, iyada oo aan ka tegeyn go’aamada labada dhanba raalligelinaya.
Lammaanaha guud ahaan iyo gaar ahaan gabadha oo rumaysan wada xaajoodku waxa ay faa’iido gaar ah u leedahay arrimaha muhiimka ah ee qoyska sida barbaarinta ubadka oo inta badan ay dabeecaddani sababto in labada waalid u midoobaan aragtida ay ku barbaarinayaan.

3. GABADHA ISKU KALSOON

Gabadha nafteeda ku kalsooni ee qaddarisa qiimaheeda qofnimo iyo jiritaankeeda gabadhnimo, kuna qanacsan kaalinta ay nolosha kaga jirto iyo aragtida ay xambaarsan tahay difaaceedu, waa gabadh inta badan raggu ay jecel yihiin, marka doonistooda hoose ee aan damaca sharka ah ku dhisnayn loo dhaadacana ku qanacsan yihiin in rug ay la wadaagi karaan.
Sababta ugu weynina waa in ay ogyihiin xaqiiqada ah ingabadha dabeecadahaas leh ay ku badan tahay farxadda iyo niyadwanaaggu. Taas oo ay aad ugaga duwantahay gabadha dhiggeeda ah ee aan iyadu dabeecaddan lahayn.

4. GABADHA NINKEEDA KU KALSOON
Marka laga hadlaayo xidhiidhka lammaanaha, suurtagal maaha in labada qof ee qoyska midkood kan kale 24 ka saac ilaaliyo waxa uu qabanayo iyo siraha uu sida gaarka ah u wado.
Sida oo kale hinaasaha iyo naf-doorbidku waxa uu qofka u horseedaa wareer adduun iyo murugo, sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu ogaadeen in nin kastaa uu hoos u jecel yahay gabadha aan ka shakiyin daacadnimadiisa.
Waa dareen ay gabadha qudheedu la wadaagto, laakiin qormadani maadaama oo ay ka warramayso ragga iyaga ayaa aynu ku koobnaanaynaa.

LA SOCO…

Waxyaabaha Sababa badana Burburka Qoyska:1- Ixiraam la'aan.2- Is dhageysi daro.3- dhibaatooyinka Nafsaaniga ah oo aan is...
09/11/2020

Waxyaabaha Sababa badana Burburka Qoyska:

1- Ixiraam la'aan.
2- Is dhageysi daro.
3- dhibaatooyinka Nafsaaniga ah oo aan isla wadaagin lamaanaha.
4- kala aamusnaanta oo mudo qaadato.
5- waqti fiican isla qaadasho la'aan.
6- Marka magaalada lagu kala maqan yahay saacado badan aan la isla soo xariirin.
7- Siraha oo lakala qarsado.
8- Wada tashi xumo.
9- Marka Xanaaq yimaado oo la is cayo ama la is aflagaadeeyo.
10- Hadiyad la'aan.

#10- qodob waa kuwa ugu badan lagu kala tago marka laga reebo waxyaabaha ka yimaada banaanka iyo Dhaqaalo xumida.

Hormarka Qoyska waa Horo u socodka Bulshada.

Walaal gudbi Ajar Alle haka siiye.

13/02/2020

Read.

10/02/2020

Aabayaasha qaar mise Waalidka qaar Ilmaha inay halaabaan ama cuqdad ku beeranto ayagaa sabab u ah.
Ilmahaaga waqtigooda laqaado Waalidoow.

Hooyo kastaa waa Aduunyada ugu h**eyso oo uu Ubadku ku Indho furto kuna fahmo Nolasha dhabaha ugu fiican ee loo marro.Ha...
05/02/2020

Hooyo kastaa waa Aduunyada ugu h**eyso oo uu Ubadku ku Indho furto kuna fahmo Nolasha dhabaha ugu fiican ee loo marro.
Hadaba Hooyo Qaali Caruurtada u kori si ka duwan sida adiga usoo kortay.
Bulsha kasta adigaa Dugsi iyo Dugaal u ah, Isbedelkuna adigaa Laf-Dhabar u ah.

Intaa iyo kabadan waxaad fahmi doontaa marka adiga aad waxbarato, waxaadna soo saari doontaa Ilmo Xasilan oo laguna Xasilayo.

Walaal Wanaaga faafi si Xumaanta u yaraato.

Mahadsanidiin dhamaan Asxaabta Beejkani ku taxan..

meelkasta Dunida ka joogaan Farxad isku hela.
Aaaaamiiiiin.

11/01/2020

Waalidoow Habaarka caruurtada haku fududaanin.
Gabdhooo Waalidka baari haloo noqdo.

Khilaaf yuusan mid wax dhisa, Balse ha noqdo mid wax saxa.
10/01/2020

Khilaaf yuusan mid wax dhisa, Balse ha noqdo mid wax saxa.

Nebi Mohammed (NNKH), ayaa yiri "Caa'isha RC marka ay ii xanaaqsan tahay waan gartaa sababtoo ah waxa ay ku dhaarataa "Illaahayga Nebi Ibrahim abuuray baan ku dhaartee". Marka ay faraxsan tahayna waan gartaa oo waxa ay tidhaahda "Allaha Nebi Mohammed SCW Abuuray baan ku dhaartee".

Muhiimaddu waxa ay tahay Waa laysu yara cadhoon karaa, laakiin war hooy yaanay cadhaddu idinla dheeraan, oo sabab u noqon in qoyskiinnu dumo.
Lamaanayaasha is qaba ayaan la dardaarmayaa walaalayaal.

Jimce Wanaagsan.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Farxad Qoys posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Farxad Qoys:

Share