Mohan Abdihakiim

Mohan Abdihakiim Business meta

10/01/2026

03/02/2025
Taariikhdii Duuliyihii Ugu Horeeyay Ee Soomaliyeed Cali MataanCali-Mataan Xaashi Cali-Cagweyn wuxuu ku dhashay Gobolkii ...
18/08/2024

Taariikhdii Duuliyihii Ugu Horeeyay Ee Soomaliyeed Cali Mataan

Cali-Mataan Xaashi Cali-Cagweyn wuxuu ku dhashay Gobolkii Mudug la oran jiray ee Soomaaliya abbaaraha 1927kii. Cali Mataan Xaashi, wuxuu ahaa duuliyihii ugu horreeyay ee Jumhuuriyadii Soomaaliya. Sannadkii 1944tii buu ku biiray Ciidammadii Gumeystaha Ingiriiska, wuxuuna kamid noqday Cutubyadii Baaqa-Qaarsoon ee xoogaggaas. Waayahaas waxaa jiray dhaqdhaqaaq xooggan oo gumeysi-diid ahaa, waxaana horseed ka ahaa ururkii SYL. Cali-Mataan wuxuu ku biiray sannadkii 1944tii dhaqdhaqaaqaas wuxuuna noqday xoghayaha ururka ee Sagag oo markaas ahayd tuulo ka tirsan degmadii Dhagaxbuur. Kadib markii la baabi'yay Cutubyadii Baaqa-Qaarsoon ee Soomaaliya sannadkii 19447dii wuxuu Cali ku biiray Qeybtii Boostada iyo Isgaarsiinta ee Muqdishow ka jirtay. Intii uu ku sugnaa Muqdishow wuxuu ka qeyb galay dhawr bannaanbax oo gumeysi-diid ahaa sida, kii la oran jiray Ha-noolaato ee dhacay sannadkii 1948dii.


Sannadkii 1950kii ayaa Cali waxaa ku xiray magaalada Cadaado Maamulkii Kusimaha ahaa ee Talyaaniga (AFIS), sababtu waxay ahayd, Cali-Mataan baa wuxuu gacanta ku sawiray nin reer guuraa Soomaaliyeeda oo ay dhabarka u saaran tahay 10 jawaan oo buux buuxa, taas oo uu ula jeeday 10kii sano ee Soomaaliya hoos joogaysay gumeystihii Talyaaniga.

Horraantii 1950-aadkii wuxuu Cali ku biiray Qeybtii Cirka ee Soomaaliya wuxuuna ka noqday agaasime-xigeen. Markuu dhammaystay dugsigii dhexe, wuxuu galay Dugsigii Maamulka iyo Siyaasadda. Sannadkii 1956dii wuxuu waxabarasho u aaday Talyaaniga si uu u soo barto duullinimo iyo maamulitaanka socdaalka hawada. Hal sano kadib xilligaas baa loo qaatay Xoogagga Cirka Soomaaliyeed waxaana isla markiiba loo dalliciyay xiddigle. Sannadkii 1958dii ayaa loo magacaabay Maamulaha Garoonnada Diyaaradaha Soomaaliyeed. Waayahaas oo uusan jirin duuliye Soomaaliyeed buu qalqaaliyay in 35 arday dalka dibaddiisa loo diro si loogu soo tababaro duullinimo iyo farsama-yaqaannimo. Sannadkii 1959kii buu u dallacay labo xiddigle waxaana isla markiiba loo diray Talyaaniga si uu ugu tababarto ahaanshaha duuliye heerka kowaad ah, waxaana loo soo tababaray diyaaradihii waayahaas dalku lahaa. Markuu Talyaaniga ka soo noqday sannadkii 1960kii wuxuu u dallacay Dhamme waxaana asaga iyo kooxdiisiiba si rasmi ah loogu wareejiyay Ciidankii Cirka Soomaalidii xorowday.

Ragaalkii 1960kii wuxuu korjooge ka noqday duullimaadyadii toddobaadlaha ahaa ee ka bilawday Muqdishow ilaa Hargeesa (aadis iyo soonoqod), duullimaadyadaas baa dadweynuhuu u bixiyeen "Duullimaadyadii Cali-Mataan”.

Sannadkii 1963dii buu u dallacay Gaashaanle, isla sannadkaas dhammaadkiisana wuxuu galay Akadeemiyadii Xoogagga Soofiyeedka ee Mooskow waxaana loo tababaray diyaaradihii Miigga, sidaas buuna ku noqday duuliye-sare. Markuu ka soo noqday Midawgii Soofiyeedka oo ku beegan sannadkii 1965tii waxaa loo magacaabay Taliyihii Ciidankii Cirka Soomaaliyeed, wuxuuna sannadkii 1967dii u dallacay Gaashaanle Dhexe.

Cali-Mataan Xaashi wuxuu ka mid ahaa kooxdii hormoodka ka ahayd Kacaankii Oktoobar ee 1969kii, wuxuuna xubin firfircoon ka noqday Golihii Saree Kacaanka (SRC). Sannadkii 1970kii buu u dallacay Gaashaanle Sare. Sannadkii 1973tii wuxuu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee xagga sharciga. Sannadkii 1974tii wuxuu noqday Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Sharciga ee SRC, wuxuuna kor joogeeyay hawlihii dib loogu habaynaayay xeerarka dalka. Sannadkii 1976dii wuxuu u dallacay Sarreeye Guuto. Allahaw naxariistee Cali-Mataan Xaashi wuxuu ku geeriyooday Dalka Talyaaniga sannadkii 1978dii waxaana lagu aasay Muqdishow.

08/06/2024

Lixda Hogaamiye ee Soomaaliyeed ee Taariikhda Dahabiga ah Kaga Tagay Somalia iyo Dunida.

15/05/2024

DANAB

FOLLOW Mohan Abdihakiim

27/04/2024

Follow Mohan Abdihakiim

Address

Mogadishu

Telephone

+252684006233

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohan Abdihakiim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohan Abdihakiim:

Share