29/11/2022
Macdan cusub oo laga helay Soomaaliya; Dhagaxii degmada Ceel-Cali
Cilmibaaris ay faafisay jaamacdda Alberta ee ku taal dalka Canada ayaa lagu soo bandhigay macdan hor leh oo hadda daaha laga qaaday, kadib markii ay sameeyeen tijaabo. Macdantaan ayaa waxa laga helay Soomaaliya gaar ahaan degmada Ceel-cali ee gobolka Hiiraan, waana labo nooc oo macadanta ka mid ah adduunkana aan h**e loogu arag mid la mid ah.
Barefasoor Cabdulqaadir Abiikar Xuseen kana mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee darsay culuunta Geology ayaa dhagaxaani h**e sharxaad kaga bixiyay asiga oo sheegay in dhagaxaan uu ka mid yahay dhagaxda samada ka timaado(Mateorite).
"Dhagaxda meteorite ka (Rujuum) waxay ka yimaadaan cirka fog ama samada fog. Qaar hawada ayay ku qarxaan markay ku soo dhawaadaan majarraha dhulka (Earth's orbit); kuwana dhulka ayay soo gaaraan oo ay herdiyaan, oo xasuuq dad, xoolo, dhulka ayaa baabi'iyaan. Dhagaxa Ceel Cali ku soo dhacay waa' horay ayay ahayd." Ayuu yiri Barefasoor Cabdulqaadir Abiikar.
Jaamacadda Alberta ee daaha ka rogtay cilmibaaristaan ayaa labadaan macdan ee qaaliga ah, waxa ay siisay magac bixin cusub maadama aan h**e macdantaani dunida laga aqoon. Waxaana ay mid ka mid ah loogu magac daray degmada ayada oo loo bixiyay "elaliite" halka dhagaxa kalena magac bixintiisa laga dhigay "elkinstantonite" sidaasina ay ku noqon doonaan magac cilmiyeed ku soo kordhay saaxadda aqoonta ee Jiyoolajiga.
Waxa aad loo xasuustaa in dhagaxaani uu sanadkii 2020ka uu noqday mid aad loogu hadal-haayo warbaahinta kadib markii degmada Ceelcali dhagax dahab lagu sheegay laga helay lana garan waayay nooca macdan ee uu yahay. Waxa uu dhagaxaasi dhaliyay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dadka degmada kadib markii kooxda Al-Shabaab ay maqleen dhagaxa qaaliga ah iskuna dayeen in ay la wareegaan. Waxaana dagaalkaasi uu horseeday dhimasho iyo dhaawac dadka degmada ah.
W/Q: Mohamed Bulbul