01/06/2019
Mid ka mid ah Telefishanada dalka Baraaziil laga leeyahay
ayaa mar sii horeysay waxaa Wareysi lagula yeeshay nin
muslim daaciya oo reer Baraaziil ah waxaana su'aalahii la
weeydiiyey ka mid ahaa bal inuu sheego wixii ugu yaab
badnaa intii uu dadka diinta islaamka ugu yeerayey
wadanka Baraaziil iyadoo dadka wadankaas u dhashay
badankiis aanay diinta islaamka waxba ka aqoon.
Haddaba ninkii daacigii ahaa oo su'aashaas ka jawaabayey
ayaa waxuu yiri sidan:
Waxaa isoo mara mar kasta waxyaabo cajiib ah oo yaab leh
balse waxaan si gaar ah u xasuustaa mar anigoo ku sugan
masaajid ku yaala Magaalada Sao Paulo ayaa waxaa
dhacday in nin magaciisa la yiraahdo Avellino isoo wacay
dabeedna waxaa uu igu yiri meesha aad joogtaa ma
kaniisad Carabi ay leedahay baa Tvga ayaan kala socdaaye
ka dibna waxaan ku iri haa waayo aqoon umuusan lahayn
ninkani Masaajidka ana wax kale aan ugu sheego ayaan
garan waayey, ka dibna waxaa u igu yiri waxaan rabaa in
aan diintiina islaamka wax ka ogaado, waxaan ku iri waa
arin wanaagsan ka dibna waxyaabo diinta ku saabsan
ayaan telafonka ugu sharaxay dabeedna waxan ku iri
xagaad joogta horta, waxaa uu igu yiri waxaan jooga
Gobolka Pernambuco kaas oo ka fog magaaladan aan
joogo 3000 km.
Ninkii waxaan weeydiiyey magaalada aad joogto muslimiin
ma deganyihiin oo ma joogaan si ay diinta kugu sii
sharaxaan? waxuu igu yiri may ma jogaan magaaladan,
markaas ayaan telka uga sii sharaxay arkaanta islaamka
arkanu iimaanka iyo waxyaabo badan oo diinteena
islaamka ku saabsan, ka dibna waanu kala tagnay oo
telefonkii kala dhignay isaga oo aan islaamin weli.
Mudo 4 bilood ka dib ah ayuu isoo wacay 2 saac ayuu ila
hadlayey markaas ayuu hadalkii iigu soo gabagabeeyey
magaalada Sao Paulo ayaan kugu imanayaa dhawaan, waa
sax ayaan ku iri waxaa uu igu soo celiyey malintaan imaado
ma islaami karaa, haa ayaan ku dhahay waad islaami
kartaa,ka dibna markuu 3 cisho jidka ku soo jiray ayuu
maalin Jimce magaaladi yimi ka dibna waxaan ka soo
kaxeeyey halkuu ku soo degay masaajidkii ayaana keenay,
markaas ayaa waxaa uu igu yiri in aan islaamo ayaan rabaa
oo aan salaada tukado ee ii sheeg walaal sida islaamka loo
soo galo iyo sida loo tukado, ka dibna shahaadada ayaan u
qabtay ka dibna sida loo wayso qaato iyo suurada
faataxada ayaan baray iyo suurada ikhlaas intaa waxaan
barayey 9:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo.
Markaan intaa si fiican u baray ugana saxay waanu kala
tagnay in uu dadka diinta macaan ugu yeerana wuu balan
qaaday isaga oo aad u faraxsan kuna qanacsan islaamka
uu soo galay ayaanu kala tagnay isna magaaladiisi ayuu ku
noqday ana waan iska yara mashquulay waqtigaas ayuu
daacigii yiri.
Ninkii 7 bilood ka dib ayuu isoo wacay,waan ka qabtay oo
waan salaamay,salaanti ayuu iga qaaday, iska waran ayaan
ku iri mudo badan waynu kala mashquulne ? Waan
fiicanahay ayuu si daciif ah igu yiri isaga oo ay ka muuqato
murugo hadalkiisa, markaas ayuu igu dhahay su'aal ayaan
ku waydiinayaa walaalkeyow oo aan ku soo wacay galabta
ee iiga jawaab fadlan ? Haye ayaan ku iri ee i weydii walaal.
Ka dibna waxuu igu yiri waxaan aaday Cisbitaalka halkaas
oo ayeeyday hooyo ay ku xanuunsanayso caawinteeda
ayaan ku yara mashquulay marka galabta waxaa iga tagtay
Salaadi casar oo aan waqtigeedi ka yara habsaamay ee
maxaa xal ah oo aan sameeyaa dhabtiina wax aan
sameeyo waan garan waayey oo waan murugaysnahay ilaa
galabta oo dhane ka dibna wax aan ugu jawaabo ayaan
garan waayey waayo 7 bilood Salaada daqiiqad k**a
habsaamin siduu ii sheegay galabta mooye ka dibna waan
iska ooyey ama ilmeeyay, isagiina wuu si naxay oo wuu ila
ooyey, ka dibna waxaan ku iri iska aamus walaalo oo iska
tuko oo Alle dambi dhaaf waydiiso Illaahay wa mid dambi
dhaaf badane.! Markaas ayuu yara farxay oo igu yiri haye
walaalkeyow.
Walaal inaga xaalkeenu wa sidee marka Salaada la eego
inta ay inaga habsaanto oo jameecada ka dib dhacnaa Alle
ha inoo naxariisto..