02/02/2024
Waxaan luuqadda ugu adag ku cambaareynaya dilka arxan-daradda ah ee Muqdisho loogu geystay Luul Cabdicasiis oo aheyd gabar dhallinyaro ah, oo heysatay carruur agoon ah, kadibna sida ay ehelkeedu sheegeen uu gubay nin ay mardhow guursatay uurna ay u laheyd.
Laamaha amniga ee Dowladda, ehelka eedeysanaha iyo dadka Muqdisho ku nool waxay arrintani ku tahay imtixaan caddaaladdeed iyo mid ka hortag u ah inuusan faafin dhaqanka noocan ah.
Sida ay maanta ummaddu uga wada gil-gilatay falkan bahalnimada ah, waa in caddaaladda Luulna loogu wada guntada, oo bannaanka lasoo dhiga eedeysanaha.
Allaha u naxariisto walaashen Luul, qoyskeedana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.