Business adviser

Business adviser Waxaan kalatalineynaa ganacsiga qeybihiisa kala duwan sida
1. Maamulka
2. Xisaabaadka
3, Suuqgeynta

Ganacsatada Soomaaliyeed yeysan aqbalin arintaan sharcidarada ah ee aan sharciga ku dhisneyn.
17/08/2024

Ganacsatada Soomaaliyeed yeysan aqbalin arintaan sharcidarada ah ee aan sharciga ku dhisneyn.

Allaha cfiyo wlkey sxbkey Abdirahman Mohamed Abdinor  oo shir gaari dhaawac culus ka soo gaaray dhamaan asxbta aan halka...
27/04/2024

Allaha cfiyo wlkey sxbkey Abdirahman Mohamed Abdinor oo shir gaari dhaawac culus ka soo gaaray dhamaan asxbta aan halkaan Friends ka ku nahay waxaan ka codsanaa in ay iigu soo duceeyaan sxbkey in Alle cfiyo.

Amaanoy ku bixin waayayAbaalow ku gudi waayayAqooney ku bogan waayayAxdiyow ku lumin waayayEedeey ku sidi waayayEexaay k...
19/04/2024

Amaanoy ku bixin waayay
Abaalow ku gudi waayay
Aqooney ku bogan waayay
Axdiyow ku lumin waayay
Eedeey ku sidi waayay
Eexaay ku fali waayay
Afeefay ku mari waayay
Aduunyoy ku qaban waayay
Samiraw ku aaminay
Iimaanku waa sade
Samiraw ku aaminay

Aduunka dhan oo dhinac ah iyo shaqsi uu Alle la jiro waxaa guuleysta shaqsiga uu Alle la jiro Falasteen Alle ayaa garab ...
19/10/2023

Aduunka dhan oo dhinac ah iyo shaqsi uu Alle la jiro waxaa guuleysta shaqsiga uu Alle la jiro Falasteen Alle ayaa garab u ah weyna guuleysan insha'allah.

Gaalo falastiin waa isku xulufeysatay wadamadii islaamkana waa ku eeganayaan Ciil iyo Caloolyow.

Roobku reysbuu ka tagaaRaguna ra'yi  buu ka tagaa Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa
09/10/2023

Roobku reysbuu ka tagaa
Raguna ra'yi buu ka tagaa
Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa

Hambalyo dhamaan ardayda ku baastay imtixaanka Dugsiga dhexe ee D.G.Galmudug.Su'aasha aan is weydiinaa waxay tahay 14ka ...
26/07/2023

Hambalyo dhamaan ardayda ku baastay imtixaanka Dugsiga dhexe ee D.G.Galmudug.

Su'aasha aan is weydiinaa waxay tahay 14ka arday maxaa kawada dhigay isku natiijo 97%!?

05/07/2023

Abdirahman Abdishakur Warsame Barnamijkii qiimaha Badnaa ee wacyi maka mashquushay mise waxaa ku saameeyay dacaayadii ahayd odaygii wuxuu noqday Youtuber?

Barnaamijkaas wacyi qeybaha aad soo gudbiday waxaa daawatay celcel bulsho dhan 83k waxayna kaa faa'iideen cilmi iyo waayo aragnimo walina wey u hamuun qabaan wacyi galintaada iyo aqoontada.

Markaad fiirido dadka comments ka ka bixiyay dhamaan waxay u badnaayeen dhiiri galin iyo in ay ku faraxsanyihiin barnaamijkaad bilaawday.

Sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa barnaaijkaas in aad joogteydo si bulshadu ay u hesho wacyi galin ku dhisan xog ogaalnimo iyo aqoon si aysan bulshadu ugu gacan galin kuwo ku haga wado qaldan aragtideydana cid boos kaas kaaga haboon ama u qalantana aniga ma ogi.

Waxaa hubaal ah hadii barnaamijkaas aad joogteydo in aad teegeero badan ku kasban kartid kuwo si qaldan kuu aaminsana ay xaqiiqda ogaan doonaan.

Waa dacar qadhaadhiyo Malab la isku darayooWaa dab iyo naariyooDurdur biyo qaboobooWaa duumo cuduriyoDawo caafimaadeeWaa...
22/06/2023

Waa dacar qadhaadhiyo
Malab la isku darayoo

Waa dab iyo naariyoo
Durdur biyo qabooboo

Waa duumo cuduriyo
Dawo caafimaadee

Waa degel abaariyo
Doog iyo caleenoo

Waa debed bannaaniyo
Dugsi lagu gam'aayee

Waa daruur hillaacdiyo
Dabeyl iyo harraadoo

Waa dayax iftiimiyoo
Gudcur dama habeenoo

Waa dahab labeeriyo
Digo la iska qubaayee

Ninikii dumar yidhaahda
Waa deynayaa
Isagaa dambaabee
Yeynaan ku daalinee
Hayna wada dileen.

HEES
Ha ina wada dileen.
Mohamed Warsame Qasaali
AUN

TALO SOO JEEDIN ===============Maal mahaan waxaa socda dabagal iyo baaritaano laxariiro musuq maasuq iyo wax isdaba mari...
22/06/2023

TALO SOO JEEDIN
===============

Maal mahaan waxaa socda dabagal iyo baaritaano laxariiro musuq maasuq iyo wax isdaba marin waa arin fiican mudan dhiiri galin iyo in lataageero wixii cadeymo garabsiin ahna lagu taageero.

Sidaas oo ay tahay waxaa haboon in xogta iyo waxa labaahinayo lays ka xaqiijiyo si qof aan danbi lahayn sumcadiisa loogu ciyaarin loona bahdilin kii danbiga lahaana uusan u dhuuman.

Qof aysan maxk**ad xukumin oo danbi aan lagu soo oogin laguma tilmaami karo danbiile, xatooyo xoolo Iwm xitaa hadii laqabto ama xayiraad lagu sameeyo waxa uu noqonaa shaqsi lagu tuhmay danbi tuhunkiisana waxaa Bari yeeli kara ama ku cadeyn kara maxk**ad.

Waxaa qalad, sharaf dhac iyo danbi ah qof aan maxk**adu xukumin in aad inta sawirkiisa soo qaadatid baaritaan socda kiisa dusha ka saartid adigoon cadeyn hayn. Arintaasu waxay wax u dhibee shaqsiyadaada, waxaad ku weynee asxb badan oo shaqsigaas ehel, wll iyo sxb u ahaa, waxaadna isku diree oo qalad ka galee shaqsigaas laga yaabo biri in ay maxk**adu bari yeeaho.

Qofkii xatooyo xoolo ama danbi kale lagu helo oo ay maxk**adu xukunto yaan qabiil, saaxiibtinimo, shaqo wadaag, darisnimo, kooxeysi IWM lagu taageerin lagu difaacin oo yaanan noqon Tuug ku dhacaayay oo sharcigu qabtay in aad adigu sharciga ka difaacdo si uu hadana biri kuu dhaco.

W/Q: Mohamed Abdullahi Socdaal

XILKA QAADISTA CALI JEYTE MID LAGU FARXAA MAAHA WAAYO WUXUU AHAA  LAFDHABARTA XOREYNTA HIIRAAN IYO SHABEELE XOGTA GUDAHA...
18/06/2023

XILKA QAADISTA CALI JEYTE MID LAGU FARXAA MAAHA WAAYO WUXUU AHAA LAFDHABARTA XOREYNTA HIIRAAN IYO SHABEELE XOGTA GUDAHA HOOSENA WAXA KA JIRANA MA OGIN.

NABARAAD FILEYDAY NAXDIN MOOYEE NUXUUS LEH.Cali Yare Cali wuxuu u soo tiir iyo tacab beelaayay ee sida hagar la'aantaa u...
17/06/2023

NABARAAD FILEYDAY NAXDIN MOOYEE NUXUUS LEH.

Cali Yare Cali wuxuu u soo tiir iyo tacab beelaayay ee sida hagar la'aantaa ugu dhar dhigtay caawa iskaga tag Cali yare wey ku dhacday aniguna waan filanaayay waliba xili h**e hadase ayaga uunbaa ku jaban asaga waxba k**a halaysana markii laga reebo haarihii h**e ee halganka ka soo gaaray si kastaba ha ahaatee caawa waxaa la gudboon.

1. Inuusan calaacal iyo galin ee uu xifaaltan siyasadeed sameeyo team kaasna uu dhaho cidwalba kartideeda halasoo baxdo, wax lagu aamini karo oo cadeynaa team kaas inaysan mardanbe isla jaanqaadi karina uu la yimaado.
2. Wixii hada ka danbeeya inuu arimaha qaar xeeriyo oo uusan sidii h**e waxwalba isku raacin waligaana aan tolkaa laguu adeegsan.
3. Abaabul, shacbiyad iyo hadalba waa yaqaan cali ee xirfadiisa iyo waayo aragnimadiisa wax haku qeybsado hada kadibna raaci yuusan noqon.

TALO WALAL
Mohamed Abdullahi Socdaal

17/06/2023

Dad waxaa igula yaab badan ninka Aduunka Kaluun ugu jecel Biyana ugu neceb.

Address

Kisenyi
Kampala

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+256792803811

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Business adviser posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Business adviser:

Share