12/08/2026
SACDIYADDA MACALIN CALI OO XURRIYADDEEDA HESHAY
Waxaa maanta xurriyaddeeda heshay Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaanno Sacdiyo Bajaaj, taas oo muddo afar bilood ah ku xirnayd Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo loo haystay eedo kala duwan.
Xarunteenna waxay arrintan u tahay guul weyn, isla markaana daliil u ah shaqadii ballaarneyd iyo masuuliyaddii ay iska saartay sidii Sacdiyo loo sii dayn lahaa, loona heli lahaa caddaalad. Sacdiyo waa hooyo nuujinaysa ilmo ka yar hal sano, taas oo xaaladdeeda ka dhigtay mid u baahan in si gaar ah loo tixgeliyo.
Si gaar ah, xarunta waxaa kiiskan ku metelayay Qareen Sare Zakariye Ismaaciil Nuur oo ah Aasaasaha iyo CEO-ga xarunteenna CLRA, kaas oo door weyn ka qaatay dadaallada lagu xaqiijinayay sii-daynta Sacdiyo iyo helidda caddaaladdeeda.
Xaruntu waxay Sacdiyo u rajaynaysaa nolol, baraare iyo nabad, iyo inay si wanaagsan uga soo kabato maalmihii adkaa ee ay xabsiga ku qaadatay, iyadoo maanta dib ula midoobaysa qoyskeedii iyo ilmaheeda.
Caddaaladdu waa xaq. waana waajib. ⚖️