Gashamo Curtains

Gashamo Curtains For all your curtains

13/12/2025
  Muujinaya Burburka gaadhay Markabka MV Lobivia, ee Xuutiyiintu ku Weerareen Biyaha Caalamiga ah balse badbaado ahaan u...
22/07/2024

Muujinaya Burburka gaadhay Markabka MV Lobivia, ee Xuutiyiintu ku Weerareen Biyaha Caalamiga ah balse badbaado ahaan ugu soo laabtay Somaliland kuna sugan hadda Dekedda Berbera.

Xogo kasoo kordhay Safarka Markabka iyo faahfaahinta cidda leh alaabta uu Berbera ku rogay usbuucii h**e ayay ganacsato nala soo xidhiidhay ay xaqiijiyeen in Somaliland laga leeyahay alaabta oo iyaga uu u rarnaa Markabku, Isla Markaana isagoo bad-qaba uu ka shiraacday dekedda Berbera, hase ahaatee weerarka uu la kulmay mar dambe oo uu galay Biyaha Caalamiga ah.

Shaqaalaha Markabku way badqabaan, waxaana la qorshaynayaa in Markabka oo soo Maray Djibouti uu si wato safarkiisa oo ku wajaha Muujinaya Burburka gaadhay Markabka MV Lobivia, ee Xuutiyiintu ku Weerareen Biyaha Caalamiga ah balse badbaado ahaan ugu soo laabtay Somaliland kuna sugan hadda Dekedda Berbera.

Xogo kasoo kordhay Safarka Markabka iyo faahfaahinta cidda leh alaabta uu Berbera ku rogay usbuucii h**e ayay ganacsato nala soo xidhiidhay ay xaqiijiyeen in Somaliland laga leeyahay alaabta oo iyaga uu u rarnaa Markabku, Isla Markaana isagoo bad-qaba uu ka shiraacday dekedda Berbera, hase ahaatee weerarka uu la kulmay mar dambe oo uu galay Biyaha Caalamiga ah.

Shaqaalaha Markabku way badqabaan, waxaana la qorshaynayaa in Markabka oo soo Maray Djibouti uu si wato safarkiisa oo ku wajahan Dekedda Colombo ee dalka Sri Lanka. Dekedda Colombo ee dalka Sri Lanka.

Mmtv.

Dekadda Berbera ayaa ku soo baxday kaalinta 1aad ee Qiimeeynta Dekaddaha u Adeegga Kontaynarada ee Wadamada ka Hoseeya S...
06/06/2024

Dekadda Berbera ayaa ku soo baxday kaalinta 1aad ee Qiimeeynta Dekaddaha u Adeegga Kontaynarada ee Wadamada ka Hoseeya Saxaraha Afrika ee sanadkii 2023, halka ay kaalinta 106-aadna ka gashay caalamka.

Qiimeeyntan ayaa ah mid sanadle ah oo uu sanadkii afaraad oo xidhiidh ah soo saaray Bangiga Aduunku. Qiimeyntan waxa lagu saleeyaa adeegga loo qabto iyo hanaanka farsamo ee loogu shaqeeyo maraakiibta kontaynarada xambaara; markay ay dekadda ku soo xidhaan, inta la rogayo ama la rarayo, ilaa iyo inta ay ka furanayaan.

Bangiga Aduunka oo uu xog ururinta ka caawinayey S&P Global Market Intelligence ayaa qiimeyntan ku sameeyey 876 barxaddaha kontaynarada la dhigo ah (container terminals), kuwaas oo ku kala yaalay 508 dekadood oo u adeegay 253.7 milyan oo kontaynar.

Berbera ayaa sanadkii 2022 kaalinta 2aad ka gashay Qiimeyntii Dekaddaha u Adeegga Kontaynarada ee Wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxana ka sareeysay Dekadda dalka Djibouti oo sanadkan aad hoos ugu dhacday, sida qiimeeyntan Bangiga Aduunku sameeyey lagu sheegay.

Afar sano ka hor, Qiimeynta Wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, Berberi waxay ku jirtay kaalinta 7aad, halka ay sanadkan iyadu ugu h**eyso. Dhinaca caalamka, Afar sano ka hor, Dekadda Berberi waxay ku jirtay kaalinta 244, halka ay imika ku jirto kaalinta 106. Taasi oo ka dhigan inay 138 kaalmood kor u soo kacday.

Abdirahman Mohamed Ibrahin
Trade Facilitation Analyst

Shiikha reer Falastiin ee Shiikh Maxmuud Al-Hasanat ayaa khutbadii ugu gaabnayd salaaddii Jumcaha jeediyey, wuxuu yidhi;...
09/04/2024

Shiikha reer Falastiin ee Shiikh Maxmuud Al-Hasanat ayaa khutbadii ugu gaabnayd salaaddii Jumcaha jeediyey, wuxuu yidhi;
"Haddii 30,000 la laayey oo ay shahiid yihiin, haddii 70,000 la dhaawacay, 2 milyanna la qaxiyey oo ay bilaa hoy yihiin ay intaa ummadda Islaamku ku baraarugi weyday, markaa maxuu hadal aan anigu idhaahdaa ama khutbadi taraysa? Yaanse khutbad u jeediyaa, maxaanse idhaahdaa? Khutbad aan idiin jeediyo ma hayo ee istawu, safafkiina toosiya, aynu tukano!"

Mahmoud Adam Jama

Khariiraddani waxa ay muujinaysaa cufnaanta bulsho ee Afrika iyo dalalkeeda. Afrika ama sida dhulka loogu kala badan yah...
09/04/2024

Khariiraddani waxa ay muujinaysaa cufnaanta bulsho ee Afrika iyo dalalkeeda. Afrika ama sida dhulka loogu kala badan yahay waxa ugu cufnaan yar waqooyiga qaaradda, marka xeebaha laga reebo. Si kale Afrika waxa ugu cufnaan yar Carabta, in kaste oo ay u dalal waaweyn yihiin. Ogobey waxa ugu wacan saxaraha.
Bariga Afrika, waxa ugu cufnaan badan dalalka Harooyinka. Itoobiya oo ugu cufnaan badan Geeska, waxa ugu dad yar ama ugu cufnaan yar gobollada Soomaalida iyo Cafarta. Soomaaliya waxa ugu cufnaan yar gobollada hadda la isku yidhaahdo Jubaland iyo Puntland.

Mohamed Hirsi

07/04/2024

Masar: Wax-soosaarka Beeraha heerka ay ka gaadhay !

1.Masar waa dalka ugu badan Afrika ee soo saara sarreenka ah, waxana sanad walba soo saartaa 9.0 Million MT, taas oo ku filan in ay quudiso 62% dadkeeda.

2. Masar waxa ay leedahay wax-soosaarka Bariiska ugu sarreeya hektarkii Afrika oo lagu qiyaaso 8.8 Tonnes, waxaana wax-soosaarka 2-aad Nigeria.

3. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara Liinta Afrika, sanadka 2020-ka waxa uu wadanku soo saaray 3.2 Million MTs.

4. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara baradhada Afrika, waxa ay soo saartaa 5.2 Million MTs oo Baradho ah, .

5. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara tamaandhada Afrika, waxa ay soo saartaa 6.7 Million MTs

6. Masar waa dalka 2-aad ee ugu badan ee soo saara Canabka Afrika, waxa ka h**eeya Koonfur Afrika, Masar sidoo kale waa dalka 3aad ee ugu badan soo saarkaTufaaxa Afrika, waxa ka badan South Africa iyo Morocco. Masar sidoo kale waa dalka 4-aad ee ugu badan wax soo saarka Muuska Afrika.

7. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara basasha qalalan qaaradda Afrika, 2020 Masar waxa ay soo saartay 3.2 Million MTs oo basasha qalalan ah.

8. Masar waxay tahay dalka 4-aad ee Galeyda ugu soo-saarka badan Afrika.

9.Dhulka Masar ee wax-beereedka waxa lagu qiyaasaa 2.9M Hector,.

Halka Somalia lagu qiyaaso 8M Hector oo la beeran jiray 1985kii 1M, warbixin ay diyaarisay FAO ayay ku sheegtay in dhulka ku haboon beerashada Somaliland ay tahay 3.3M Hector, balse waxa la beerta 0.2.

Masaarida dhulka ay beerataa waa agagaarka webiga Nile, dalka intiisa kale waa Saxare,.

Source, research products Africa.

X.G Hashim Sheikh

Sanad kii 1969Sadex nin oo dhalinyaro ah ayaa bilaabay ganacsi ah inay geeyaan bushqadaha (parcels) albaab ilaa albaab. ...
03/04/2024

Sanad kii 1969
Sadex nin oo dhalinyaro ah ayaa bilaabay ganacsi ah inay geeyaan bushqadaha (parcels) albaab ilaa albaab. Waxay isticmaalayeen gaadhi yar oo la yidhaa Plymouth Duster oo laba albaab oo kala jaad ah leh! Adrian Dalsey, Larry Hillblom and Robert Lynn. Magacyada danbe oo xarafka u h**eeya lagasoo qaatay, ayaa noqday DHL.

55 sano kadib, DHL waxay leedahay 250 diyaradood oo kala duwan, 32,000 oo gaadhi, 550,000 shaqaale, waxaanay ku sugantahay dal wal oo aduun kan ah. Dakhligeeda sanad kii h**e waxa uu noqday 65 Billions oo dollars.

Ka billab halka aad joogtid, ku bilow wixii aad haysatid, lakiin ha joojin hana ka daalin

Abdilatif H Megag

1835 kii oo Suldaankii ugu Horeeyey lagu Aasay Hargeysa, Suldaan Hassan Suldaan Farah Suldaan Guleed.Xusuus Qorkii Illaa...
03/04/2024

1835 kii oo Suldaankii ugu Horeeyey lagu Aasay Hargeysa, Suldaan Hassan Suldaan Farah Suldaan Guleed.

Xusuus Qorkii Illaahay Haw-naxariistee Caaqil Cabdiraxmaan Xassan Xaaji Aadan.

Qormadan Maanta inta aanan u gondo degin, Waxan si kooban u xusi doonaa Taariikhdii iyo Hab Dhismeedkii Saldanada Guud ee ugu h**eysay, kana hana qaaday Somaliland iyo Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo Martay min 1722 kii oo Suldaankii ugu h**eeyey la caleemo saaray Suldaan Guleed Cabdi Ciise Dhamal Illaahay Haw Naxariistee.

Muddadu Suldaan Kastaa uu Xilkaa Hayey:
1) Suldaan Guleed Cabdi Ciise 1722 - 1782 ( 60 sanno )

2) Suldaan Faraax Suldaan Guleed Cabdi 1782- 1832 ( 50 sanno)

3) Suldaan Hassan Sul. Farah Sul. Guleed 1832- 1835 ( 3 sanno )

4) Xilli Korintii Suldaan Diiriye 1835 - 1838 ( 3 sanno )

5) Sul. Diiriye Sul. Hassan Sul. Farah 1838 - 1942 (104 sanno)

6) Sul.Abdillahi Sul.Diiriye Sul. Hassan 1942- 1967 ( 25 sanno)

7) Sul.Rashid Sul.Abdillahi Sul. Diiriye 1967 - 1969 (2 sanno)

8) Sul.Abdikadir Sul. A/llahi Sul. Diiriye 1969 -1975 ( 6 sanno).

9) Sul. Mahamed Sul. Abdikadir 1975-2021 (46 sanno).

Hab Dhismeedka Saldanadu waxay ku qotontay oo Garbaha iyo Hareeraha ka taagnaa Bulasho weynta Culimadii, Cuqaashii, Ciidankii iyo Xooggi, Waxgaradkii iyo Xoolo Dhaqatadii.

1) Sul. Guleed Cabdi Ciise oo Xilka hayey 60 sanno ahaana Suldaankii Kowaad sida Taariikda lagu xusay, waxa uu ahaa Halyeygii ugu wax qabadka badnaa, Hormoodkana ka ahaa Hayaankii dheeraa ee Beeluhu kaga soo baxeen dhulka ballaadhan ee Gubanka ah ee lagu soo gaadhay Dhul Daaqsimeed iyo Biyo.

Waxay Suldaan Guleed iyo Aabihii ba ay ku aasan yihiin Banka Aroori ee Burco dusheeda ah. La Taliyaha Suldaankuna wuxu ahaa Sh. Magan Hassan Abdi.

2) Sul. Farah Sul. Guleed Cabdi (1782-1832) 50 sanno ayuu suldaan ahaa,
Sul. Farah intu suldaankaa ahaa, waxa u suurto gashay Bilawgii Qarnigii 18 aad in uu Saldanada dejiyo Dooxooyinka Hargeysa, waana Kobta ugu ku dhashay Hassan Suldaan Farah, kuna barbaaray, Quraankana uu ku bartay dooxooyinkaas Hargeisa.

Sidan Qormadii h**e ee 14/12/10 aan ku soo bandhigay, Suldaan Farah waxa u fududeeyey Xilkan, Xidhiidhkii uu la lahaa Caalamu Al-Carab Iyo Culimadii garabka taagneyd ee Aqoontq Diinta ku hagaysay, Ciidan Boqor oo dhisnaa iyo Dadkiisii. Suldaanka waxa uu sannadkii 1805 kii uu suurto gashay in uu Guto Waajibkii Hajka iyada oo ay weheliyeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cali Sheekh Magan Hassan, waxayna ka gudbeen Cadan iyo dhulkaa dheer ee Yeman iyo Sucuudiga. Muddada uu suldaanku soo gudanaayey Xajka, waxa ku Sime ahaa oo Xilka sii hayey Giire Mohamed Fiqi Yussuf.

Taariikhdu dadkay hagtaa, Bilawgii Degitaanka Hargeisa iyo Aasaaskeedii waxay u dhigan tahay in ay ahayd, bilawga Xiligii Suldaan Farah Suldaan Guleed 1800 gii.

Illaahay haw naxariistee Suldaan Farah waxa uu ku aasan yahay Lafa Ruug, waxana uu ku baxay gacan Ibnu Adam oo ahayd Huwan la odhan jiray Solo Gudub oo Deeganka ahayd. Dilkaa Suldaanku waxa uu soo dedejiyey Weeraradii ugu cuslaa ee Abid Ciidamadii Boqor ay qaadaan ee Dhulka ugu badan ay ku hantiyeen una badnaa Dhulkii aynu 1988 aynu ku qaxnay ee lagu nagaaday. Ciidankaa Boqor waxa Abaan Duule u ahaa Jamac Yuusuf Oog ,,Jama-Yey,, soona gaadhay Suldaan Diiriye;

Marjaca Aasaaska Hargeisa ee Suldaan Farah:
Risaalaadkii Suldaan Farah iyo Sheikh Saqr Bin Mohamed Al Qaasimi ay is weydaarsadeen, xiligaas oo Saldhigga Saladanadu ay Hargeisa.
Labada Ceel ee Xakamane iyo Af Weyne ee qodnaa xiligii laga kicinaayey bulshadii Deganeyd ee ila hadda Raadkoodii sii jiro ee muuqda kuna yaala agagaarka Qabriga Sheekh Nuur.
Cabdi Hurre Suldaan Farah oo maanta Nool, Miyir iyo Xasuusna qaba, Boqol sano jira, Boqol ka h**eeyeyna taariikhdeeda haya.
Waxa sidoo kale nool Farah Cali Geedi oo Geelii Indha Badane Taariikh ballaadhan ku lahaa oo Boqol kor u dhaafay.

Waxa Raggaa aan tilmaamay la Ilmaadeer ahaa Haji Abdi Hussein Yussuf oo Qaamuuska Qaran Somaliland ah, Miisaan weyna ku leh Taariikhda somaliland iyo Qabaailka Somaliyeed ee Jaarka aynu nahay.

Dhulka baacaa iyo Ballaadhkaa leh waxa lagu hantiyey Cudud iyo Waran Caaradii.
Meel aan Saldanadu degin iyo Dhul aan Ciidan Boqor Qabsanin, Isaaq ma hantiyin mana degin.
Waxa Xusid Taariikheed Mudan in aynu ogaano Beelaha Qaybta libaax ku lahaa Awoodi lagu hantiyey Ceelka Hargeisa ee Barakaysan, Maantana ah Caasimadda Dalka S/Land iyo Nawaaxigiisa, in ay ka mid ahayd Beesha Arab Sheekh Isxaaq (Cumar-Arab) iyada oo xiligaas ay labada Beelood iyo Ayuub Sheekh Isxaaq ay lahaayeen Heshiis, in wadajir lagu xalaaleeyo dhulkan oo laga riixaayey Beelaha aynu ood wadaagta ka nahay dhinaca Hawd ee weli aynu Geela kala qaadno.

3) Suldaan Hassan Sul. Farah Sul. Suldaan Guleed (1835-1838) 3 sanno na ahaa:
Sul. Hassan wuxu ahaa Suldaankii ugu h**eeyey ee ku dhasha Hargeisa, isla wuxu ahaa Suldaankii Kowaad ee lagu aaso Hargeisa 1835 kii. Waxana uu ku aasan yahay Xabaalaha Salaadiinta ee ka soo hor jeeda Dugsiga New Hargeisa. Waxana isku meel ku duugan Afar suldaan oo is dhalay.

Muddada kooban ee Suldaan Hassan uu Xilka hayey, Kobta uu ku aasan yahay waxay Caddeyn iyo Lama sheegtaan u tahay in Hargeysa ay deganaayeen Saddexda Beelood ee aan kor xusay ama Ciidagale, Arab iyo Ayuub in ka badan 50 sanno inta aanu Iman Sheekh Madar. Halka Beeshii Afraad ay Waqooyi Bari ka soo degtay Hargeysa ay ahaayeen Isxaaq Carre Siciid.
Kolkan halkaa soo gaadhsiiyey Qormadan maanta, Kolkan Saddex Suldaan iyo laba Caalin isugu Abtiriyey, kolkan ku suntay Far iyo Dhaadkii Geelayaga, waxa aan muran iyo Buug baa la qoray lagu sheegan karin Bilawgii Degitaanka Hargeisa.

4) Sul.Diiriye Sul. Hassan Sul.Farah ( 1838-1942 ) Xilkana hayey 104 sanno:
Suldaan Diiriye oo ahaa Suldaankii ugu Da da yaraa ugana Muddada dheeraa, ayaa ahaa 13 jir kolku Aabbihii dhintay. Waxa loo saaray Guddi ( Lajnad ) ku sinta intuu 16 jir gaadhaayo, Waxana 1838 kii lagu caleemo saaray Ceelka Hargeisa.

Waxan Qormada Saddexaad idin soo gudbin doonaa, Taariikhdii dheerayd ee Suldaanka oo ay soo gelidoonto Imaatinkii Ingiriiska, Imaatinkii Sheekh Madar iyo tii Lord Delamere iyo sidu ugu gudbay Kenya iyo Ciddii Dal marisay.

Dhammaan inta dhimatay ee Magacyadooda aan ku xusay Qoraalkan, Waxan Illaahay ka baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Aammiin.
Waa inoo mar kale iyo Qormada Saddexaad oo aan soo gaadhsiin doono ilaa Suldaan AbdiKadir oo dhameyd 137 sanno.

Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden.

Illaahay Haw-naxariisto Caaqil Cabdiraxmaan Xassan Xaaji Godkana Haw-nuuro Aamiin Aamiin Aamiin.

Waa tobankii danbe Ee ramadaan baa Lagu guda Jiraaye Haloo duceeyo Ilaahay How Naxariisdee Suldaan Maxamed Suldaan,Cabdi,qaadir Ala Maxaa dunida ka Tegay Rag Maxay Xabaali Nin Haysaa ๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ญ

Xigasho Sidiiq Nuux Farlow

RAMADAAN MUBAARAK.
10/03/2024

RAMADAAN MUBAARAK.

20/05/2023

The worldโ€™s Inflation rate:

Argentina ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ท 109%
Turkey ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ท 43.68%
UK ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง 10.1%
Italy ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡น 8.2%
Germany ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ช 7.2%
South Africa ๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ฆ 7.1%
Australia ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡บ 7%
Mexico ๐Ÿ‡ฒ๐Ÿ‡ฝ 6.25%
France ๐Ÿ‡ซ๐Ÿ‡ท 5.9%
Netherlands ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ฑ 5.2%
USA ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ 4.9%
India ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ณ 4.7%
Canada ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ 4.4%
Indonesia ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ฉ 4.33%
Brazil ๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ท 4.18%
Spain ๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ธ 4.1%
South Korea ๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ท 3.7%
Japan ๐Ÿ‡ฏ๐Ÿ‡ต 3.5%
Saudi Arabia ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ 2.7%
Switzerland ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ญ 2.6%
Russia ๐Ÿ‡ท๐Ÿ‡บ 2.3%
China ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ณ 0.1%

World statistics

Address

27 Anderson Street
Mbombela
1200

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 14:00

Telephone

+252637176737

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gashamo Curtains posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gashamo Curtains:

Share